AntiStress qaybta Soomaali

Antistress Somalisk version

Barnaamijka AntiStress waa tababar la hagayo oo ku socda habka loo yaqaan neefsahsada la ogyahay

Halkaan waxaa kugu  siineynaa fursad aad ku dhegeysato barnaamijka ka hortagga kurbada ee lagu magacaabo AntiStress oo isagoo cod ah dhegeysan karto ah, sida aan rejeyneyno wuxuu kuugu shaqeyn doonaa sida qalab aad ku yareyso kurbada. Hadafka ama goolka aan ka leenahay waa in aad noqoto qof xaadaadir ku ah nolol maalmeedkeeda, iyo iney kor u qaado caafimaadkaada  iyo daryeelka wanaagsanaantaada.

Sidey ii caawini kartaa in aan dhegeysto barnaamijka AntiStress?

Marka aan kurbeysanahay waxaa caadiyan dhacda in aan si degdeg ah u neefsano neeftana aan meeel dhow kasoo celino.Laakiin haddaan si degan u neefsano neeftana meel hoose oo qoto dheer geyno farriin baa maskaxda u dirsameysa taasoo kurbada yareyneysa. Waxaan jecelnahay in aad ku tababarato barnaamijka AntiStresska maalin kasta. In aad u isticmaashid si joogto ah habkaan waxayna fiicnayn doontaa in aad xakameysid fikir iyo dareen badan oo haddii kale kaa joojin lahaa. In aad gaartid wanaag caafimaad. Wakhti sii naftaada dulqaadna u yeelo. Barnaamijka AntiStressku waa daryeel caafimaad oo qofku naftiisa u sameysto waxaana loogu tala galay in looga hortago laguna yareeyo kurbada (stress). Barnaamijka AntiStress waa in loo arkaa in uu kabayo barnaamijyada kale ee caafimaad ee loo isticmaalo in lagu yareeyo kurbada. Haddii aad qabto dhibaato badan oo ku saleysan kurbo (stress) waa muhiim in aad la xirriirto rugta (vådcentral) caafimaadka.

Muxuu ka koobanyahay faylkaan barnaamijka AntiStress?
Barnaamijka AntiStress waa qiyaasti 15 daqiiqo dhererkiisu waana hab laguugu hagayo laguna barayo habka neefsahsada la ogyahay (medveten andning), oo lagaso muunguuriyay habka daaweynta wadanka Awsteeriya waxaadna ku heli kartaa 10 af oo kala duwan. Sheekada waxaa qortay gabadha la yiraahdo Tina Arvidsdotter oo codkeeda aad ka maqleyso maqleyso barnaamijka AntiStress waxayna ku hadleysaa afka Iswiidhishka. Barnaamijka lagu tababaranayo ee AntiStress kulli waxaa ka hadlaaya dumar ku hadlaaya afkooda hooyo. Muusikadana waxaa isku duba’riday Bo Savik.

Sideen ku dhegeysan karaa barnaamijka AntiStress?
Faylka codka ah waxaad ku dhegeysan kartaa bilaash waxaadna dhegeysan kartaa inti jeer ee aad doonto. Haddaad doonto waa lasoo degsan karaa oo kombiyuutarkaada ayaad ku kaydsan kartaa. Wuxuuna u duubanyahay qaabka-mp3 oo aad ku dhegeysan karto mobiil, Ibad iyo kombiyuutarba.