Sugaya - Kaydinaysa una diyaar garoobaysa

Väntan_172997258.jpg

Ummulida iyo qofka ku taageeraya

fodande-stodperson_1067571980.jpg

Waxa fiican inaad yeelato qof ku taageera marka aad ummulayso. Inta badan waa lammaanaha, laakiin waxa kale oo ay noqon kartaa waalid, saaxiib ama laba qof. Qofka taageerada ah, adiga joogintaankaaga wuu yahay mid aad umihiim ah. Siyaabo badan ayaad u caawin kartaa marka ay hooyadu ummulayso.


Qoritaanka warqad wakhtiga ummusha

Skriva-förlossningsbrev_209714377.jpg

Ka fikir waxa uu rabitaankaagu yahay iyo waxa aad ka filanayso ummusha. Waxa kale oo aad tix galisaa waxa aad uu shakhsi ahaan ubaahan tahay si aad ammaan u dareento. Muusiko yar, farriin ama wax intaa gabi ahaanba ka duwan. Samee qoraalo lana wadaag ummulisada. Warqadda wakhtiga ummusha ma aha mid waajib ah inaad samayso, laakiin waxa ay noqon kartaa si fiican oo aad maskax ahaan ugu diyaar garoobi karto ummusha.


Xidhxidhashada shandadaada

Packa-vaskan_200206058.jpg

Hal shay oo mihiim ah

Adiga qofkaagan ummulaya waxa aad ubaahnatahay inaad sidato aqoonsi ansax ah.

Waa ay fiican tahay inaad wadato

Marka foosha aad ku gudo jirto, waxa fikrad fiican ah inaad haysato cunno tamar ku siisa sida khudaar ama cunnooyin fudud. Inta aad dhex joogto waadhka ummusha, waxa fiican inaad haysato dacas, maryo fudud, keeshaliga naasnuujinta iyo shandad ay ku jiraan alaabada laysku qurxiyo oo ay markaasina ku jiraan agabka nadaafadu. Hana illaabin dabeeyahay mobilka iyo warqada wakhtiga ummusha hadii aad mid qortay.

Ilmaha

Ilmahaaga markay noqoto waxa ugu fiicani waxa weeye in aad jidhkiisu istaabanaayo inta ugu badanaad awoodid. Sababtaa awgeed, dharka kala jiidmaya ee jidhka ku dhagaya, surwaalo, bijaamo iyo sharaabado ayaa kugu filan. Waxa kale oo fiican inaad yeelato koofiyad yar xilligii la doono halagu jiree, buste iyo maryo isku dhamaystiran oo aad xidhato marka aad guriga tagayso hadii ay dibadu qabow tahay.

Halkan waxa ah talo fiican: Xilli hore shandadaada sii xidhxidho diyaar hakuug haato guriga! In badan, tani waxa aya qofka siisaa dareen inuu diyaar yahay hal wax oo uu ka warwari lahaana meesha ka baxay.


Tagitaanka iyo ka imaanshaha cusbitaalka

aka-till-och-fran-sjukhuset_1025142553.jpg

Sariirta ilmaha lagu qaado (ama fadhiga gaadhiga ee ilmaha) waa sida ugu aaminsan ee aad ilmaha loo qaado. Qaanuunka Sweden marka la eegaayo, caruurta dhererkoodu ka gaaban yahay 135cm waa inay ku safraan wax uun ilaalinaya marka uu gaadhiga ku jiro. Hadii aad doonayso inaad iibsato sariir ilmahaagu leeyahay, waxa jira dhowr meelood oo aad kasoo kiraysan karto mid.

Dad badan ayaa gawaadhidooda usoo kaxaysta cusbitaalka. Hadii ay sidaa tahay, waxa noqon karta fikrad fiican inaad booqato mar iyo laba jeer inta aad ku gudo jirto uurka, si aad u garan karto halka waadhka dhalmadu yahay iyo halka aa gaadhigaaga dhigan karto.


U cun sidii qof ciyaartooy ah

at-som-en-elitidrottare_387192031.jpg

Ummusha badanka waxa la barbardhigaa orditaanka la ordaayo orodyayda dhaadheer sida maratoonka. Waxay ubaahantahay juhdi aad ubadan sababtaa awgeedna, waxa ah fikrad fiican ah inaad soo gurato cunno nafaqo leh iyo cunnooyin kala duwan iyo carbohydrate aad sida dhaksaha loo gubin ka hor inta aanay waxba bilaabmin.


Dhaafitaanka wakhtigii la filanaayay inaad ummusho

Att passera beräknat förlossningsdatum_707780632.jpg

Waxa ay noqon kartaa mid ku niyad jabisa, isku buuq kugu furto baqdina ku galiso hadii aad dhaafto wakhitigii ummusha lafilaayay. Maalmaha ku xigaa waxa ay yihiin kuwo aad dareemayso inaanay dhamaanaahayn, laakiin tani waa mid badanaa dhacda waana caadi. Fursadan kia dhigo mid aad ku nasato samaysana waxyaalaha aad xiisayso waayo dhawaan waxa kuu bilaamid doonta cutub cusub oo noloshaada ah.


Fikirka ku saabsan mustaqbalka

förlossningsbrev.jpg

Waalid noqdayaasha wadaagaaya nolol lammaane ah waxa laga yaabaa inay yeeshaan arrimo ay diirada saarayaan iyo rajooyin in yar ka duwan inta lagu gudo jiro muddadaa. Mid caadi ahaan dhacda waxa laga yaabaa inay noqoto in gabadha uurka lihi ay diirada saarto uun uurka iyo ummusha ilmaha, halka lammanaha kale kaliya ka fikiraayo nolosha uu la wadaagi doono caruurta dhalanaysa kadib. Waxkasta oo maskaxdaada ku jira, waxa fikrad fiican ah inaad la wadaagto qof kuu dhow. Hadii aad leedahay lammaane, waxa mihiim ah inaad wada hadashaan iskuna daydaan inaad nafihiina si isku duubni ah isugu diyaarisaan.


Fikir hadalna

Fundera och prata_106252277.jpg

Dadka waalidka noqonaya oo dhan

  • Sidee ayaa muddadan uurka aad lahayd kuu saamaysay?
  • Maxaa aad ka warwarsantahay?
  • Sidee ayaad umalanaysaa in ilmuhu usaamayn doono nolol maalmeedkaaga?
  • Waayo aragnimo noocee ah ayaad ka haysataa in ilmo la’ahaado?
  • Maxaa aad doonaysaa inaad qaadato ood ilmahaaga siiso?
  • Waalid noocee ah ayaad doonaysaa inaad noqoto?
  • Maxaa mihiim ah?
  • Maxaa aad doonaysaa inaad ilmaha ugudubiso ood barto maxaad se doonayn inaad barto?

Kuwiina ku nool nolol lammaane ah

  • Sidee ayaad utusi kartaa jacayl una dareensiin kartaa lammaanahaaga inuu yahay mihiim?
  • Siyaabehee ayaad umalaynaysaa inay noloshiina lammaane isu baddali doonto marka ilmuhu dhasho?
  • Sidee ayaad isu caawin kartaan marka ilmuhu dhasho?

Xasuusnow!

Kom ihåg_388548328.jpg

Jidhku waa mid diyaar ah

Isdiyaarintu waa mid u fiican inay kor uqaado dareenka aaminimo iyo xasilooni ka hor inta aanu ilmuhu dhalan. Laakiin ma jiraan wax waajib ah inaad samayso. Jidhkaagu waa mid awood u yeelanaya inuu la tacaalo hadii aad qaadatay koorso dawo ah ama aad xidhxidhatay shandadii ummusha.


Chatta med Liv