Goobta lagu qaabilo ragga dhalinyarta ah
Goobta lagu qaabilo ragga dhalinyaradda ah (MUM) waa goob caafimaad oo xiriir la leh xaga galmada/sex iyo xidhiidhka ka dhexeeya laba qof, waxaana lagu qaabilaa qofkii nin ah ama isku arka inuu yahay nin ee jira da,da u dhaxaysa 18 – 30 jir. MUM waxa lagu qabilaa qofkii uu hayo wer wer ama qabaa/haya su’aalo ku saabsan xaga jinsigiisa, xaga galmada ama u baahan taageero iyo talo ku saabsan xaga xidhiidhka dhaw ee u qof la leeyahay. Meesha MUM waxaa kale oo aad iskaga baadhi kartaa xanuunada galmada la isku qaadsiiyo.