Warbixin ku saabsan MUM

Västra Göteland waxa ku yaala sadex meelood oo loogu qaabilo ragga dhalinyarada ah waana Göteborg, Fyrbodal iyo Skaraborg. Kusoo dhawoow inaad timaado goob kasta oo ka mida qaybahan oo aad rabto, meel kasta oo aad ka dagan tahay gobolka. Goobaha MUM waxaa jooga kalkaaliso, la taliye, qof aqoon u leh cilmi nafsiga iyo dhakhtar.

Waxa jira sababo badan oo qof dhalinyarta ah uu ugu baahan yahay inuu noogu yimaado. Waxay noqon kartaa inaad.

  • Waxaad rabtaa ama doonaysaa ina lagaa baadho cudurada galmada la isku qaadsiiyo.
  • Waxaad doonaysaa inaad su’aalo naga waydiiso xaga galmada.
  • Waxaad doonaysaa inaad nagala hadasho xidhiidhka cid kale idinka dhexeeya.
  • Waxaad qabtaa su,aalo ku saabsan isbadalka xaga xubinta taranka.
  • Waxaad waayo aragnimo u leedahay galmada khasabka ah, xadgudub ama dhibaatayn.
  • Waxaad u baahan tahay in lagaa caawiyo sidii aad u fahmi lahayd ama u maarayn lahayd masayrka.
  • In aad noqoto waalid aanad adiguna rabin.
  • Waxaad doonaysa inaad nagala hadasho nooca galmada iyo cida aad ka hesho inaad la samayso.
  • Waxaad rabtaa in lagaa talaalo cagaarshow-ga ama joonis-ka nooca B.
  • Waxaad doonaysa in lagaa caawiyo la tacaalida dareeno kala duwan.
  • Waxaad rabtaa inaad nagala hadasho sawirada iyo filimada dadka qaawan ee la fiirsado/porr.
  • Waxaad doonaysa inaad ka hadasho rabitaanka galmada.
  • Waxaad rabtaa inaad nagala hadasho cinjirka ragu ka xidhaan in dumarku uuraysto/kondom ama waxyaabaha kale ee uurka lagaga hor-tago.
  • Iyo waxyaabo intaa ka badan.