Denna webbplats använder teknik som troligen inte stöds i din webbläsare, därför kan vissa saker se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.
Gå direkt till huvudinnehållet

Från den 1 oktober välkomnar vi partner/närstående vid tre besök under graviditeten; vid inskrivning, vid besök i graviditetsvecka 25 och vid besök i graviditetsvecka 37. Den kvarvarande besöksrestriktionen gäller tills vidare för att undvika trängsel i väntrummen. Läs mer här: Viktig information inför ditt besök hos oss

Ummulidda – Wakhtiga imaanshaha!

Föda_176535947.jpg
Tecken på förlossningsstart_621516791.jpg

Fooshu waxa ay u bilaabmi kartaa siyaabo kala duwan. Badanka waxa ay ku bilaabantaa xanuun, laakiin calaamada ugu horraysa waxa ay noqon kartaa inay “ biyuhu qarxaan” ama dheecaan dareer ah kaasoo ay ku jirto dhico dhiig ah. La xidhiidh waadhka dhalmada marka aad ubaahato caawimo ama aad ka shakido inay biyuhu qarxeen.

Inskrivning_1259107699.jpg

Cusbitaalka marka aad timaado, marka ugu horraysa waxa aad la kulmaysaa ummuliso taasoo eegi doonta in dhalmadu bilaabantay si laguu dhigo cusbitaalka. Hadii ummushu bilaabantay, waa lagu dhigi doonaa isbitaalka.

Si loo ogaado xaalada ilmaha marka uu ku jiro ilmo galeenka, dhawaaqa wadnaha ayaa lagu eegi karaa iyadoo laa istimcaalaayo qalab la yidhaa CTG kaasoo la socda garaaca wadnaha ee ilmaha sidoo kale foosha.

Smärtlindring_larg.jpg

Ummushu aad ayaa u xanuun kulushahay. Laakiin sida uu qofta udareemo xanuunkan ayaa kala duwan. Waxa kale oo jira siyaabo kala duwan oo loo maareeyo. Waxaa ah aasaas fiican in qofku isu diyaariyo jidh ahaan iyo maskax ahaanba. Tan waxa aad usamayn kartaa, tusaale ahaan, adoo seexanaya, si wacan wax ucunaya iyo adiga oo ka qayb galaya koorso laysugu diyaarinayo ummusha. Muddada lagu gudo ummusha, ummulisadu waxa ay ku siin doontaa talooyin ku saabsan xanuun joojinta iyo habka xanuun joojineed ee ugu fiican. Waxa aad ka heli kartaa macluumaad siyaabaha kala duwan halkan.

Att vara stödperson_1072394603.jpg

Qofka taageerada ahi, waxa aad leedahay door aad umihiim ah wakhtiga dhalmada. Inaad qofka la joogo oo aad udhowdahay waa mid samaynaysa farqi aad u wayn. Taageerada aan kala go’ayn waa mid iyadu yarayn karta ubaahnaanshiyaha xanuun joojiye, qalabka lagu soo nuugaayo ilamaha iyo qalliinkaba. Taageerada ugu fiicani waxay ka timaadaa adiga oo markaasi la leh xidhiidh aad udhow hooyada. Waxaa aad sawirataa oo kale inaad tahay dhismaha haga doonyaha ama maraakiibta qofka ummulayaana inuu yahay dooni dhex heehaabaysa bad kacsan. Waxa kaliya ee aad ubaahantahay inaad samayso waa inaad noqoto dhismaha wax haga ee ifaaya muddada baddu kacsantahay oo dhan.

Tips till dig som stöttar_722681980.jpg

Sharciga koowaad waxa uu yahay in aad ag joogto hooyada. Isku day noocyo kala duwan oo taabashooyin iyo duugis ah. Hadii aad hesho nooc anfaca hooyada, wad oo ku celceli. Hadii aanad hubin saamaynta ay leedahay duugistu, waxa aad isku dayi kartaa inaad samayso inta lagu gudo jiro saddex qabatinka muruqyada ha deetana qiimee. Xasuusnow in taabashadu ay tahay in loo sameeyo jiho la mida ilmaha iyo ilmo galeenka - kor illaa hoos. Samee dhaqdhaqaaq khafiif ah waydiina sida uu dareemaayo qofku. Hadii lagugu qayliyo ama qofku canaanto, waxa aad u macquul ah in qofku kugula dul dhacayo isku buuqa iyo xanuunka haya. Waxa ay noqonaysa amarka inaad sii dadaasho, si aad isugu daydo in hooyada ummulaysa aad udareento xassilooni. Ka hel caawimo shaqaalaha hadii aad dareento awood darro. Ma aha mid layaab leh inaad ubaahantahay sidoo kale taageero.

Diagram.jpg

1. Marxaladda daahidda

Inta lagu gudo jiro marxaladda daahidda, dadka badankoodu guriga ayay joogaan. Bilawga, qabatinka muruqyadu ama fooshu muddo joogto ahi uma dhaxayso waxana uu dareemayaa qofku sidii oo kale xanuunka caadadu marka ay ujoogto. Laakiin si aayar aayar ah ayay unoqdaan kuwo aad u xanuun badan aadna udaran. Markaa waxaa ay fiican in qofku nasto, duugis fudud uu helo, markaasina uu biyo diirran ku maydho ama caadiba umaydho. Hadii xanuun joojin dheeraad ah loo baahdo, isku day Alvedon, Panodil or Tens, kaasoo ah qalab yar oo leh afaf gudbiyayaal ah oo kicinaya neerfaha.

2. Marxaladda fidida

Marka lagu gudo jiro marxalddan fidida, xanuunku waxa uu noqdaa mid aad udaran, muddadiisu dheertahay joogtana ah. Hada makaanka afkiisu si buuxda ayaa uu ufurmi. Marka qabatinka muruqyadu ama fooshu ay kuu timaado 3-4 jeer 10 daqiiqo gudahood, waa wakhtigii aad la xidhiidhi lahayd waadhka dhalmada.

3. Marxaladda ummusha ilmaha

Ilmuhu waxa uu kusoo daadagay ilaa misgaha haddana waxa ay taha wakhtigii aad riixi lahayd. Sida caadiga ah, waxa aad dooni inaad riixdo ilmaha, laakiin ummulisadu waxa laga yaabaa inay ku weydiisato kaliya inaad waddo neefsiga inta qabatinka muruqyada ama fooshu socoto. Tan waxa laga yaabaa inay sabab utahay in ilmuhu si wacan usoo wada daadagin. Ama waxa laga yaabaa inay tahay inay doonayso inay u oggolaato in unugyada jidhku si wacan ukala baxaan, si markaasi loo yareeyo khattarta in dillaac wayni dhaco.

4. Marxaladda dhalmada xigta

Ilmuhu dibadda ayuu usoo baxay waxaana hubaal ah in isla markaasiba lagu qabtay naaska. Sida caadiga ah ilmuhu waxa uu bilaabaa inuu kali ahaantii neefsado islamarkaasina ooyo oo qayliyo,, laakiin marmarka qaar ay caawimo yar uga baahato shaqaalaha. Hadda ummulisadu waxa kale oo ay eegi doontaa in mandheertu ay soo baxayso, muruqyada ilmo galeenkuna qabatin samaynayaan. Hadii aad u baahato qodobyo, ummulisadu waxa ay ku siin doontaa suuxiye.

Verktyg för att hantera värkar_1181843014.jpg

Inaa d ilmo dhashaa ma aha mid aad ubaahan tahy in lagu baro. Jidhkaagau waa uu garanayaa waxa ay tahay inuu samayso. Si kastaba ha ahaate, arrimo kala duwan ayaa jidhka ka joojin kara inuu sidii loogu talo galay usahqeeyo. Marka dhalmadu bilaabanto xanuunkuna bilaabmo, jidhku inta badan waxa uu sameeyaa rogaal celin aad u xooggan. Rogaal celin loo yaqaan “dagaalan ama carar” ayaa dhici karta. Tan macneheedu waxa weeye muruqyadu waa ay adkaadaan, neefsiguna waa is bedelaa, qofta ummulaysaana waxa ay kaliya diirada saantaa xanuunka iyo sii ay uga bixi lahayd xaaladdaa. Rogaal celintana ma ah mid khattar ah, laakiin waxa ay dheerayn kartaa muddada ummusha waxayna dhalmada kaga dhigi kartaa mid adag hooyada iyo ilmaha.

Adrenalin vs. Oxytocin_401021341.jpg

Rogaal celinta xooggan inta foosha lagu gudo jiro waxa sababa dheecaan ka dagaalka ooloo yaqaan adrenaline. Rogaal celintan waxa lagu miisaami karaa dheecaanka qofka farxada dareensiiya ee oxytocin. Waa xanuun joojiye waxana uu ka caawiyaa ilmo galeenka in muruqyadiisu sameeyaan qabatin fiican. Innagoo abuurayna xaalado qofka dareensiinaaya xassilooni, waxa aynu jidhka ku keenaynaa inuu soo daayo oxytocin. Sidaa awgeed waxa fududaanaysa in jidhku xammilo xaaladaha kala duwan muddada dhalmada. Halkan, marka aad tahay qof taageero ah, waxa aad samayn karaa farqi aad u wayn joogitaankaagu, adoo samaynaya duugis fudud ama wax kale oo hooyadu qaddarinayso.

Verktyg för att hantera värkar_1181843014.jpg

Muddada lagu gudo jiro foosha waxa jira in ilmo galeenka muruqyadiisu usameeyaan qabatin si isku habaysan. Fooshii walba waxa ay socotaa 60-90 ilbidhiqsi deetana waa ay istaagtaa mudo ugu yaraan intaa leeg. Tan waxa loo qeexi karaa mawjado, ama meel sarraysa iyo meel hoosaysa, halkaasoo gunta meelkastoo hoosaysaa ay dhacayso badhtamaha meesha sarraysa. Isku day inaad hesho qaabkaa isku habaysan, si aad u shaqayn karto inta lagu gudo jiro foosha una nasankarta inta udhaxaysa. Diiradda saar wakhtiga taagan oo kolba lajaanqaad qabatinka muruyqyada ilmo galeenka hal hal. Marka xanuunku dhammaado, waxa aad wada qaadan kartaan neef dheer si aad awood ugu yeelataan inaad nasataan dibna usoo karaar qaadataan.

Neefsiga

Adiga ummulaysa

Diiradda saar inaad qaadato neef fudud oon xeeldheerayn inta xanuunku socdo. Hadii aad si xeeldheer uneefsato, waxa ku dhacaysa jidhka xaalad taasoo keeni karta in ilmo galeenka iyo ilmaha ay ku yaraato oxygen.

Adiga qofka taageeraha ah

Waxaad ku caawisaa qofka adiga oo dhagaysanaya neefsiga. Hadii ay tahay mid si wacan loo maqlaayo, waxaad xasuusin kartaa hooyada in ay isku daydo inay uneefsato si fudud.

Nasashada

Adiga ummulaysa

Waxaa dabiici ah in qofku doono in uu is caabbiyo isku na dayo inuu ka hortago ama yareeyo xanuunka, laakiin waxa aad isku daydaa inaad jidhka dhan nasiso inta lagu gudo jiro foosha. Diiradda saar daanka, labada garab, dabada iyo bawdyahay, sababto ah meelahaasi waa meelaha iska caabita ugu badani ka timaado marka aynu xanuunka dareeno. Waxa jira kaliya hal muruq oo ay tahay inuu shaqeeyo inta lagu gudo jiro foosha kaasina waaka xakameeya ilmo galeenka.

Adiga qofka taageeraha ah

Raadso meelahaasi adigoo eegaaya isla markaasina dareemaya. Ku guubaabi qofka inuu nasto adigoo xasuusinaya isla markaasina taabanaya.

Hadalka

Adiga ummulaysa

Isticmaal hadal dabacsan oodaggan marka fooshu jirto. Waxaad sawirataa adigoo daankaagu nasanaayo. Marka ummushu ay gaadho marxalad sii adag, waxa adag badanka in qofku si aayar ah oo fudud uneefsado. Markaa waxa laga yaabaa inay ku dajiso inaad neefta cod raaciso marka aad neeftuurayso. Inaad diirada saarto cod iyaduna sidoo kale waa mid kaa caawinaysa inaad maarayso xanuunka.

Adiga qofka taageeraha ah

Dhagayso codkeeda xasuusina codka dabacsan ee daggan marka loo baahdo. Haka baqanin adigu laftigaagu inaad samayso cod. Waxa fududaan kartaa in hooyada ummulaysa ay codkeeda kor uqaadi karto hadii qofkale oo qolka ku jiraa uu qaylo iy sawaxan samaynayo.

Fikradaha

Adiga ummulaysa

Ku kalsoonow naftaad waxaanad xasuusnaata in jidhkaagu yahay qurux, sidaad doontaba u ummuloo. Xasuusnow: xanuunku haduu mar istaago masoo noqdo xanuunka fooshuna waa uu kala go’goaa, lamana mid aha xanuunka iliga suuska leh iyo noocyada xanuunad kale ee aan iyagu kal joogsan. Waxa kale oo iyaduna mihiim ah inaad xasuusnaato in inkastoo ay hadda adagtahay, dhawaan waxa aad la kulmi doontaa ilmahaagii yaraa.

Adiga qofka taageeraha ah

Ku dhiiri gali, oo xasuusi gabadha hooyada noqonaysa dhinacyada wanaagsan ee ummusha iskuna day inaad illawsiiso fikirada aan fiicnayn ama xun. Xattaa hadii hooyada ummulaysaa ay niyad jabto oo iska aamin baxdo, waxa loo bahanyahay inaad la istaagto waddana dhiirrigelinta.

Hadii ay jiraan arrimo adkaynaya ama khattar galinaya nafta hooyada hadii ay si caadi ah u ummusho, waxa laga yaabaa in qalliin lagugu sameeyo.

Hadii kale, dhalmada caadiga ah ayaa lagula taliyaa hooyada. Waxa aad ka akhriyi kartaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan siyaabaha kala duwan ee dhalmada halkan (iyadoo ah luuqada Swedish ka).

Ummusha ka bacdi, waxa jiri doonaa dhiig ka iman doonaa nabarka ku samaysmay ilma galeenka halkii ay mandheertu ku dhagganayd. Tan waxa lloo yaqaanaa dhiig baxa ka dhaca ka dib ummusha waana caadi ahaan mid istaaga 6-8 usbuuc gudahooda. Inta wakhtigaa lagu gudo jiro, khattarta uu qofku ugu jiro caabuq waa mid sarraysa caadi ahaan marka loo eego. Sababtaa awgeed, iska ilaali maydhashada,galmada bilaa kondhom ka ah iyo isticmaalka nadaafad ilaaliye aan ahayn xafaayado. Waxa kaloo mihiim ah inaad jimicsiso murqyada caloosha iyo kuwa sagxada misgaha si looga hortago dhib mustaqbalka ku timaada.

8-12 usbuuc ka bacdi dhalmada, waa wakhtigii booqashada rugta caafimaadka hooyooyinka si aad u hesho daryeelka dhalmada kadib. Haddana, waxa aad ka hadlaysa sidii ay ummushu ahayd, sida aad dareemayso dhalashada ilamah ka bacdi, iyo fikradaha aad ka haysato dhalmo joojinta. Run ahaantii waa suurto gal inaad uur yeelato mar labaad in yar ka bacdi marka aad dhashid, xattaa hadii aad naasnuujinayso.

Kom ihåg_VGR17-SSNeonatal_310517_9645_18385_large.jpg

Naftaad ku kalsoonow

Saacadaha ay qaadanayso inaad ku ummusho waxa ay noqon karaan caqabad aad uweyn, laakiin sidoo kale waxa ay noqon kartaa waayo aragnimo aad ufiican. Waa aad maarayn doontaa dhawaana waxa aad la kulmi doontaa ilmahaagi dhawaan dhashay.

Ku kalsoonow shaqaalaha

Marka aad ummulayso, waxa aad heli doontaa daryeel hufan, kaaso ay bixinayaan dad hore dad badan uga caawiyay inaan ummulaan. Waxay arkeen wax kasta, waxay ogyihiin waxa ka socda jidhkaaga iyo sida ugu fiican ee aad u waajihi karto caqabadaha aad waajahdo.

Senast uppdaterad: 2020-06-29 13:29