Wada noolaanshiyaha – La noolaanshiya ilmahaaga

leva_intro.jpg

Noqoshada waalidka

säng.jpg

Waa is beddel aad u way n in la noqdaa waalid. Qof ahaantaadu gabi ahaan waa ay is beddeshaa oo waxa aad qaadaaysaa mas’uuliyada ilmo yar kaasoo adiga kugu xidhan baahiyiisa oo dhan. Awood uma yeelanaysid inad hesho hurdo kugu filan waxana aad ogaan doontaa in ay jiraan dad badan oo dibada ah oo isku dayi doonaa inay saameeyan sida ilmaahaaga aad kurinayso ama uhaynayso. Waalidadu si kala duwan aay tan ugu rogaal celiyaan. Haka baqanin inaad la wadaagto sida aad dareemayso qof kuu dhaw. 


Udhawaanshaha ilmahaaga

Amma_2.jpg

Ilmahaagu waxa uu ubaahan yahay inuu udhawaado qof dareensiiya xassilooni. Waxa mihiim ah in ilmuhu dareemo farxad una kaoro isdii qof caadi ah.. Si aad ilmahaaga ugu dhawaato isku day inaad la hadasho, jidhkaaga usoo dhawayso, una oggolaatid in ay uriyaan urta dabiiciga ah. Tan awgeed, iska ilaali o ha isticmaalin cadarrada urta xooggan.


Kacsananta shucuurta

är du sur.jpg

Hooyadu marka y ummusho kabacdi, dheecaano badan oo kala duwan ayuu jidhku soo daaya. Qofka lammaanaha ah, dareenkiisu waa uu isbeddeli karaa si dhakso ah. Waalido badan oo cusub waxa ay dareemaan murugo kad iba marka ilmuhu dasho, tanoo iyadu laf ahaanteeda noqon karta dhib sababtoo ah waxay tahay inaad dareento farxad. Tan waxa looo yaqaanaa “baby blues”- ama luuqada Swedish ka, “Oohinta Maalinta Saddexaad” murugadanina waa mid dhamaata dhawr usbuuc gudahood. Hadii murugadani qofka ka baabi’i waydo, waxa loo yaqaanaa (isku buuqa dhaca dhalmada ka dib) Markaa waxa mihiim ah in aa draadsato caawimo.

La xidhiidh rugta caafimadka ee hooyooyinka ama BVC hadii aad u baahato taageero ama talo.


Xidhiidhka

Det är din tur.jpg

In ilmo yar la dhalaa waa dhibta ugu wayn ee ay wajahdo cilaaqadu. Marka aad hurdo beeso, werwerto, baahiyo ku fuulaan dheeraad ah, waa ay kugu adkaanaysaa in aad si wanaagsan udhaqanto. Taa waxa dheer, waxa aad u baahantahay inaad diiradda saarto ilmahaaga taninba badanka waxa ay ku illawsiinaysaa lammaanahaagii. Hadii tan lagu xasuusiyo waxa ay kaa caawinaysaa inaad la tacasasho caqabadaha aad waajahayso maalinkasta. Waxa kale oo idin caawinaysa inaad wada hadashaan iskuna daydaan inaad wakhti yar wada qaadaan, hadii ay tahay xtaa wakhti kooban.


Wakhtiga kalida la yahay iyo ka lawadaagaayo

Egentid och tillsammanstid_2.jpg

Marka ay noqoto wakhtiga, farqi wayn ayaa udhaxeeya marka caruurta la leeyahay iyo marka kale. Marka aad tahay waalid cusub, waa ay adag tahay caadi ahaan inaad qabato waxayaalaha aad u baahan tahay inaad qabato oodhan. Hadi aad lammaane la wadaagayso nolo, waa ya adagtahay inaad wakhti u heashaan cilaaqadiina. Waxa macquul ah inaad ilmaha isu ubedbedeshaan si midkiinba u helo wakhti kaliyeed, laakiin waxa aad u baahan tihiin inaad go’aan wada gaadhaan ood wada qorshaysaan wakhitaga aad wadaagaysaan. Halka shay ee meihiimka ahi waxa weeyaan inaydaan wada hadalkiina joojin. Qosku dhamaan waa uu ka faaidaa in waalidku wakhti fiican wada qaato.


Shanta sacadod ee dahabiga ah

De fem magiska timmarna.jpg

Lammaane ahaan waxa aad siku dayi kartaan waxqabadkan oloo yaqaan “shanta saacadood ee dahabiga ah”. Tani markaa waxa ay tahay inaad shan saacadood usbuucii galisaan sidii aad uu abuuri lahaydeen waxqabadyo joogto ah oo xoojiya cilaaqadiina. Waxqabadkan waxa loo qaybiyaa shan waxqabad. Kani waa ki ugu horreeyay ...

Marka aad qofka sii maca salaamaynayso subaxdii

Waxa aad waydiisa lammaanahaaga ugu yaraan hal wax oo samaynaayo maalinta inta lagu gudo jiro. WAxa ay noqon kartaa kulan mihim ah, ama in uu booqdo dhakhtrka ilkaha ma in ilmaha dibadda u saaro kuna kexeeyo urta.

Muddada: 2 daqiiqo maalintii 5 ta cisho ee la shaqaynayo Wdartu waxa ay isku noqonaysaa: 10 daqiiqo

Marka aad hadna kulantaan fiidkii

Wakhti yar wada qaata fiidka si labadiinuba aad fursad ugu heshan inaad isla wadaagtaan wayaalaha aad ka cabanaysaan ama waxayaalihii fiicnaa ee aad aragteen maalintaa.guudo jiray. Halkan waxaad iskula eegi kartaa mashaakisha ka baxsan cilaaqadiina, laakiin sidoo kalena dhacdooyinkii maalinta - mid yar iyo mid waynba. Kakale waa uu dhagaysataa taageerana muujiyaa.

Muddada: 20 daqiiqo maalintii 5 ta cisho ee la shaqaynayo Wadartu waxa ay isku noqonaysaa: 1 saac iyo 40 daqiiqo

Is qaddariya

Ka faaidayso dhacdooyinka dahca maali kasta si aad u muujiso qaddarinta aad u hayso lammaanahaga.

Muddada: 5daqiiqo maalintii 7 cisho Wadartu waxa ay isku noqonaysaa: 35 daqiiqo

Isu dhawaanshaha iyo naxariista

Is taabta, hab isasiiya, isna dhunkada. Isku daya inaad ilalawdaan waxyaalihii yaryaraa ee idinka cadhaysiiyay maalinta si wacan isu macasalaameeya habeenkii.

Muddada: 5daqiiqo maalintii 7 cisho Wadartu waxa ay isku noqonaysaa: 35 daqiiqo

Wakhtiga kalida ah

Waxa aad isku daydaan inaad wakhti labadiina oo kaliya wada qaadataan markaasna aad dhamaystirataan wixii sheeko isugu kiin hadhay iskuna daydaan in midkiinba ka kale xiiso tuso. Ka fikir su’aalo aad waydiiso lammaanahaaga sida: Sidee ayay ahayd ...? Sidee ayaad ka dareemaysaa ...? Maxad umalaynaysaa inay tahay inaynu samayno...?

Muddada: 2 saacadood hal mar usbuucii Wadartu waxa ay noqonaysaa: 2 saacaadood

Wadrta guud: 5 saacadood


Galmada iy o isu dhawaanshaha

sova isär.jpg

Marka aad ilmo hdashaan wakhti ayay qaadanaysaa inaad wadaagtaan galmadii aad ku raaxaysan jirteen ee hore. Lammaanayaal badani waxa y umalynayaan inay yihiin kuwo kaliya ee ay tani ku dhacdo. Laakin waa caadi in dareen uu yeesho iyo in dareenkiibu ka maqnaado muddooyin kaa duwan. Isla wakhtigaasi, waxa fiican in xidhiidhkiina jacayyl aanu lumin waayo galmada iyo isu dhawaanshuhu waa qayb kamid ah kaliya. WAxa ugu mihiim sani waxa weeye inaad ka wada hadashaan waxa aad isk filanaysaan iyo baahiyihiina. Isku daya inaad tan samaysaan idinkoomidkiina dareemayn wax dhiba h ama dareemayn in wax loo diiday ama in midkiin culays uu saaran yahay.


Talooyinka ka caawinaya in lammanuhu wada hadlaan

Sen.jpg
  • Ka fikir codka hadalkaaga. Falanqayntu badan ka waxay ku bilaabantaa kuna dhamaata codka lagu bilaabo.
  • HA malynin waxa uu qofka kale ka fikiraayo ama dareemaayo. Waydii!
  • Wax aad cabbiraa dareenkaaga iyo fikriarkaaga: Waxan umalaynayaa, waxa aan aaminsanahay. waxaan dareemayaa, waxaan doonayaa.
  • Iska ilaali eedaymaha iyo isku duubka sida: Markasta waxaad tahay...,marna madoonaysid..., markasta waxa aad samaysaa...
  • Isu day inaad fahanto awxa qofka kale ujeedo. Waydii su’alalo aad ku hybsanayso qofku waxa uu ujeedo sida: Ma sidan baad ujeedaa?
  • Waxaad ku kala duwan tihiin isku aqbal isuna naxariista.

“Taasi waa khattar! Goorma ayaan idin so booqan karaa?”

Åh vad roligt.jpg

Inay idiin soo booqdaan nasxaabta iy oqoysku waxay noqon kartaa xaraabe waana ay adkaan kartaa. waxaad ogaataa inaanay qassab ahayn inaad aqabasho booqashooyinka hadii aanad diyaar u ahyan. Booqashooyinku ha u dhacaan isdaad doonayso xoogan a saar qoyskaaga. Qofkastaaba waxay tahay inuu taa fahmo oo uu ixtiraamo.


Wada seexashada

Sova tillsammans_1710290017.jpg

In lala seexdo ilmaha waxa weeye arrin uu muran ka taagan yahay. Guddida qaran ee caafimaadku waxa ay sheegaysaa in ay aamin tahay in ilmaha da’diisu ka yar tahy saddex bilood useexnan karo dhabarka isaga ookaligii ah sariirtiisa. Tan waxa loogu talo galay in la yareeyo dhimahsada ilmaha ee lama filaan ka ah. Caruurta oo dhami kuma qanacsana inay seexdaan sariirtooda ugaarka ah.. Hadii ilmahaagu seexanaayo sariirtaada, waxa fikrad fiican ah inaad dhigto dhinaca madaxa ee sare ee sariirta, adigoo ku ridaaya xookiisa. Tani waxa ay yaraynaysa khattarta ah in ilmaha wejigiisa wax dul sarmaan. Waxa kaloo mihiim ah in ilmuhu aanu dareemin kulayl aad ah. bijaamaha iyo buste khafiif ayaa badanaa ku filan.


MArka ilmuhu aamusi waayo ama dagi waayo

När barnet känns otröstligt_301455563.jpg

Ilmuhu marka uu ooyo waxa uu kiciyaa dareenka waalidka si aada. Waxa ay ku niyad jabin kartaa waalidka ugu sabirka badana waaay waali kartaa. Marka aad dareento in ewax aad qaban kartaa inaanay jirin una dulqaadan karina wax intaa ka badan, iska dhig ilmaha oo nashao qaado. Hadii lammanahaagu ku hdowyahay, waxa aad waydiisan kartaa inuu kaa qaado ilmaha. Wax kastoo dhaca, ilmahaag ha luxin! HAadii aad talo iyo taagooro ubaahato, waxa aad la xidhiidhi kartaa BVC.


Qaaditaanka ilmaha

Bära bebis_233060395.jpg

Waa mid aad kaaga xanaajin karta in ilmuhu doono in markasta la sido. laakiin waa mid badan ka dhacda waana badbaado raadin dhanka ilmaha ka imanaysa. Waxa ugu fiican ee aad samayn kartaa waxa weeye inaad ilmahaaga maqaarka maqaarka usaarto inta ugu badan eed awoodo. Dad badan waxa si aad ah u caawiya shalmada lagu qaadaayo ilmaha.


Qalabka iyo maryaha ilmuhu

Bebisprylar_1594926583.jpg

Agabka caruurta loogu talo galay waa suuq dhan. Ma adka inaad waalidka dareensiiso danbi adigo ku baayac mushtaraynaya: Waxaad doonaysa in ilmahaaga xaraabaysto, sax? Haa dabcan, awxayaala qar aad ayay mihiim u yihiin laakiin intooda badani ma aha mihiim. Ilmahagu waxa uu baahanyahay dhawaansho, xassilooni, jacayl, cunno iyo hurdo. Dhammadka sheekada.


Xasuusnow!

Kom ihåg_1324320275.jpg

Inaad maskaxdaada k ahsaqaysiisa si wayn ayay kuu caawaniyasaa. Waxa jira waxyaalo badan ood ka akhriyi karto ilmaha iyo socod baradka. Dad badani wax ka haystaan fikrado sida ilmaha dhashay ay tahay in loola dhaqmo. Waad ogtahay waxa ilamhagaagu ubaahan yahay.


Chatta med Liv