Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

HPV-vaccination

TALAALKA KU SAABSAN HPV

Talaalka HPV wuxuu ka mid yahay talaalka guud ee barnaamijka talaalka caruurta wuxuuna  difaac fiican ka yahay kansarka ku dhaca dhuunta lmagaleenka. Halkan ka baro faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan fiiruska, talaalka iyo sababta aan u bixinayno talada ah in la is talaalo inta caruurta la yahay. Eeg filinkan xagan sare.

TALAAL DIFAACA KANSARKA GALA DHUUNTA ILMAGALEENKA

 

Human papillomvirus, HPV, waa fiirus aad caadi u ah oo dadka badankooda ku dhaca mar uun noloshooda. Waxaa jira in ka badan 200 nooc HPV oo kala duwan. Qaar ka mid ah waxay keenaan infekshan sababi kara unugyada oo isbedel ku dhaco. Taasoo yaduna sababi karta kansar ku dhaca dhuunta ilmagaleenka marka qofku da´da weyn/qaangaadhka gaadho. Talaalka HPV wuxuu siinayaa difaac aad u fiican hadii qofka lagu talaalo marka uu aad u yar yahay. Sidaas daraadeed ayuu talaalkaasi ugu jiraa barnaamijka talaalka ee caruuta oo loogu talo galay gabdhaha iyo caruurta leh ilmogaleen tusaalo ahaan dadka ah tarans ama icke binära (tusaale ahaan nin naag isu bedelay ama naag nin isu bedeshay).

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KASII AKHRISO 1177 VÅRDGUIDEN (LA TALINTA CAAFIMAADKA)

MAXAA JIDHKA KU DHACAYA?

Talaalka wuxaa ku jira koobi aan khatar ahayn oo ah HPV kaas oo dhisaya difaaca jidhka kana hortegaya fiiruska. Si hadii mustaqbalka lacala jidhka ku dhaco HPV, marka jidhka ayaa iskiis u garanaya oo fiiruska iska difaacaya/celinaya. Talaalku wuxuu bixinayaa difaac aad u fiican oo ka hor tegaya noocyada HPV  ilaa 90% marka la eego kuli kansarada ku dhaca dhuunta ilmogaleenka.

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KASII AKHRISO 1177 VÅRDGUIDEN

TALAALKU MA KEENI KARAA WAXYEELO DHIB AH?

Marka la is talaalo kadib waxa dhici karta barar yar oo jirka casaan yar ka dhiga gacanta xaga sare meesha irbada lagu muday. Waxa dhici karta in la dareemo kaar yar, laakiin badanaa kaarkaas wuxuu tagaa maalin ama dhowr maalmood gudahood. Dadka qaarkood waxa ku dhici kara madax xanuun ama xumad, laakiin dadka badankoodu waxba ma dareemaan. Talaalka HPV waa talaal tayo leh oo si fiicana loo hubiyey, ilaa 80 malyan oo qof baa ilaa hadeer lagu talaalay ilaa iyo hadeerna cidna khatar dheeraad ah oo xanuun khatar ah oo la cadeeyey talaalku ma keenin.

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KASII AKHRISO 1177 VÅRDGUIDEN

GOORMA AYAA LA SIINAYAA TALAALKA?

Caruurta dhan ee fursada talaalka HPV la siiyo waa bilaa lacag talaalkaas waxaana la siiyaa marka ay dhigtaan kalaaska shanaad ama lixaad waxana siiya iskuulka qaybtiisa caafimaadka. Hadii aan talaalkaas la siinin marka uu ilmuhu dhigto kalaaska shanaad ama lixaad waxa uu la xidhiidhi karayaa kalkaalisada caafimaadka ee iskuulka (skolsköterskan) wuxuuna ilmuhu u haystaa fursad ah in la siiyo talaalkaas bilaashka ah ilaa inta uu ilmuhu ka gaadhayo 18 jir. Gobolada qaarkood fursad bay u siiyaan talaalkaas HPV si bilaa lacag ah ilaa inta ilmuhu dhiganayo dugsiga sare (gymnasiet). Inta u dhexaysa 18-26 sano talaakaas fursad baa loo haysataa iyada oo la adeegsanayo Högkostandsskyddet (marka aad gaadho iibsiga dawooyinka inta ugu sare ee kharshka sanadkiiba loogu talo galay). Dadka kale oo dhan ayaga ayaa kharashka HPV talaalka iska bixinaya. Arintaas kala xiriir rugta caafimaadka (Vårdcentral) ama xarumaha talaaladad. Adeega loo yaqaan Hitta och Jämför (hell oo isu barbar dhig daryeelka caafimaadka) ayaad ka helaysaa rugta caafimaadka ee kuugu dhow.

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KASII AKHRISO 1177 VÅRDGUIDEN

SIDEE BAA LOO TALAALAYAA?

Talaalka waxaa loo bixinayaa si cirbad ah waxana caganta sare mudaysa neeraska/kalkaalisada iskuulka, laba jeer oo ay dhowr bilood u kala dhexayso. Hadii ilmuhu ka weyn yahay 15 jir talaalka waxa la siinayaa sadex jeer.

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KASII AKHRISO 1177 VÅRDGUIDEN

10 KIIBA 8 BAA DOORTA INAY QAATAAN TALAALKAAS HPV

Waxaynu kuligeen iskala kaashanaynaa in la iska difaaco kansarka gala dhuunta ilmogaleenka. Talaalku wuxuu difaac siinaya qofka shaqsigiisa iyo dadka kaleba oo waxaa lagaga hortegayaa in HPV faafo.

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KASII AKHRISO 1177 VÅRDGUIDEN

CARUURTU XAQ BAY U LEEYIIHIIN JIDHKOODA

Caruurtu xaq bay u leeyiihiin jidhkooda, laakiin si ilmuhu uga qaybqaato fursadaas talaalka HPV ayaa ilmaha waalidkiis u baahan yahay inuu siiyo/bixiyo ogolaansho. Isticmaal qoraalkan marka aad ilmahaaga kala hadlaysid talaalka HPV. Ka warayso neeraska iskuulka hadii aad feker ama suaalo qabtid.

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KASII AKHRISO 1177 VÅRDGUIDEN

TALAALKA HPV IYO BAADHITAANKA AMA TIJAABADA UNUGA

Talaalka HPV ma siinayao difaac buuxa kuli noocyada fiirusyada HPV. Qofka laga talaalo HPV marka uu d´a yar yahay iyo laga bilaabo 23 jir isla markaasna si joogto ah uga sameeya gynokologisk tijaabada unuga waxa uu haystaa difaac aad u fiican oo ka hortegaya kansarka ku dhaca dhuunta ilmogaleenka!

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KA AKHRISO XAGA TIJAABADA UNUGA BAYJKA CELLPROV.SE

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KA AKHRISO HPV IYO TALAALKA HPV BAYJKA UMO.SE

WARBIXIN DHEERAAD AH LOOGU TALO GALAY WAALIDIINTA CARUURTA LOO SIIYEY FURSADA HPV TALAALKA KA AKHRISO BAYJKA FOLKHALSOMYNDIGHETEN.SE