Rugta daryeelka hooyada uurka leh (Barnmorskemottagning)

Två kvinnor sitter i gräset och tittar leende på varandra. Det finns träd i omgivningen.

Nolosha marxaladaheeda kala duwan oo dhan garabkaagaan taaganahay

Waalid In la noqdo waxaa ay noqon kartaa arinka ugu muhiimsan ee ku dhaca qofka nolashiisa. Rugta daryeelka hooyada uurka leh waxaa aad ka heli doontaa daryeel caafimaad muddada aad uurka leedahay iyo uurka ka dib labadaba, iyo waliba kaalmo ku wajahan marka aad u diyaar garowbeyso in aad noqoto waalid.

Waxaa kale oo aad heli kartaa tolo bixin ku saabsna nooca ka hortaga uurka ee kugu haboon adiga  iyo waliba in lagaa baadho cudurada ku dhaca xubnaha taranka Rugta daryeelka hooyada uurka leh waxaa kaloo lagu qaadaa tijaaboojinka unugga ee aad muhiimka u ah.

Rugta daryeelka hooyada uurka leh waxaa ay kugu marti qaadeysaa waxyaabahan hoos ku qoran:

  • Daryeel caafimaad muddada aad uurka leedahay iyo uurka ka dib labadaba
  • Taageero lagaa siiyo kaalinta waalidnimada
  • Talo bixin ku saabsan alaabta ka hortaga uurka
  • Baadhitaanka unugga ee la xidhiidh xubinta taranka iyo macdanta ee haweenka
  • Suuro galnimada in la sameeyo baadhitaan ultrasoun iyo baadhitaano kale oo lagu sameeyo uur jiifta
  • In lagaa baadho cudurada la iskugu gudbiyo galmada (cudurada ku dhaca xubnaha taranka)
  • Macluumaad ku saabsab in la iska soo ridi karo uurka

Dhamaan booqashooyinku waa kuwo bilaa lacag ah.

Rugta daryeelka hooyada uurka leh waxaa aad kula kulmi doontaa ummulusooyin iyo dhakhaatiir. Waxaa kale oo xitaa jooga dhakhtar xagga maanka/maskaxda ah oo la shaqeeya qaybta qaabilaada.

Ma leedahay uur?

Rugta daryeelka hooyada uurka leh waxaa ay rabaan in ay kuula kulmaan sida ugu dhakhsaha badan ee ay suurogal u tahay. Hadafku waa in adiga iyo lamaanahaagu, waa haddii uu qof xidhiidh idinka dhexeeyo, in aad heshiin daryeelka ugu fiican iyo in aad dareentaan dareen aad u heer sareeya muddada uurka iyo ummulintaba. Rugta daryeelka hooyada uurka leh waxaa ay si fiican kuugu diyaarinayaan isbedelka kugu fool leh.

 Ummulisooyinkagu waxaa ay ku gacan qabanayaan muddada aad uurka leedhaya iyo ka dib labadaba. Ummulisooyinku waxaa ay kuu qabanayaa balan aad kula kulanto dhakhtar ama dhakhtarka maanka/maskaxad marka aad u baahato. Rugta daryeelka hooyada uurka leh waxaa ay la shaqeysaa dhamaan rugaha daryeelka caafimaadka dhalaanka iyo qaybaha ummulinta. Haddii aad dareemeyso wax welwel ah oo ku saabsan ummulinta kugu soo fool leh darteed waxaa aad heli doontaa kaalmo gaar ah.

Waxaa ay Rugta daryeelka hooyada uurka leh ku siin doontaa macluumaad ku saabsan baadhitaanka uur jiifta, kaas oo ah erey bixin guud oo loo yaqaano baadhitaanada kala duwan ee lagu sameeyo uur jiifta si loo ogaado xaalada guud ee uur jiifata. Dhamaan baadhitaanada lagu sameeyo uur jiifta waa kuwo qofku xor u yahay in la sameeyo iyo in kale.

Waxyaabaha looga hortago uurka

Nooca waxyaabaha looga hortago uurka ee adiga kugu haboon waxaa ay ku xidhanyahay marxalada aad ku sugantahay, da’daada. Hab nololeedkaaga iyo xaaladaada caafimaad. Waxaa aan si wadajir ah u heli dooonaa kan sida ugu fiican kuugu haboon.

Baadhista cudurrada xubnaha taranka

Qofa welwel ka qaba qaadista ama ay dhibaato ka haysato cudurka sida jabtada oo kale ah (klamydia) iyo waliba cudurrada kale ee infakshanka ah ee la iskugu gudbiyo galmada, wuu iskaga baadhi karaa rugta daryeelka hooyada uurka leh.

Baadhitaanka unuggu waxaa uu badbaadiya nololo bada!

Rugta daryeelka hooyada uurka leh waxaa aad iskaga qaadi kartaa baadhitaanka unugga. Haddii aad si joogto u sameyso baadhitaanka unugga waxaa suurogal ah in lahelo haddii uu isbedel unugga isla markaana waa lagaa daweyn karaa ka hor inta uusan noqon kansar.

Haddii da’daadu u dhexeeyo 23 iyo 60 sanno waxaa laguugu yeedhi doonaa in si joogta ah lagaaga qaado baadhitaanka unugga. Haddii aanad iman wakhtiaga laguu qabtey adiga laftaada ayaa la xidhiidhi kara qaybta si aad balan cusub uga qabsato. Adiga laftaada ayaa sidoo kale bedelan kara haddii wakhtiga laguu qabtey uusan kugu habooneyn, ama si toos ah baad noola soo xidhiidhi kartaa amaba waxaad nala soo xidhiidhi karta adiga oo adeegsanaya adeegan hoos ku xusan. Ku gal lambarka sirta ah ee la socda warqada laguugu wacey.

Xitaa haddii lagaa talaaley cudurka HPV waxaad u baahantahay inaad sameyso baadhitaanka unugga marka laguu waco.

Waxaa xitaa sidoo kale muhiim ah in aad iska qaado badhitaanka unugga taas oo aan ku xidhneyn cida aad la galmooto.

Chatta med Liv