Indha ku haynta noolasha ilmaha waawayn

In la ogaado waxa uu ilmuhu qabanaayo iyo sida xaaladiisa caafimaad tahay ayaa muhiim ah si loo noqdo waalid taagerid badan. U gudbidda kuraynimada ama dhalinyaranimada waxay ka dhigantahay inuu ilmuhu u baahanyahay xorriyad dheeraad ah, isla mar ahaantaane indha ku haynta iyo ka qaybqaadashada waalidka waa mid weli door wayn ciyaareysa. Mar waa in horay u ogaato dhibaatooyinka, tusaale ahaan haddii aadan hubin saaxiibada uu ilmahaaga la socdo, markalane sidoo kale waa in lagu bogaadiyo habdhaqannada wanaagsan iyo markii loo baahanyahay in la jiheeyo.

Vuxen kvinna och ung man diskuterar

 

Ma ogtahay waxa uu ilmahaaga sameeyo fiidadkii iyo saaxiibada uu ilmahaaga la kulmo kuwa ay yihiin? Waxaa jira siyaabo badan oo waalidiintu ugusii qaybqaadan karaan oo u abuuri karaan xasilooni xitaa markii ilmuhu waynyahay oo sii madax bannaanaado.  In la yeesho xeelado ku saabsan sida hadalka iyo dhageysiga ilmahaaga waxay faa’iido wayn ku yeelaneysaa markii ilmuhu waqti badan ku qaadanaayo meelo ka baxsan guriga. Halkaan waxaan ku aruurinnay talooyin wanaagsan oo ku saabsan sida ka waalid ahaan aad ula socon kartid nololmaalmeedka ilmaha una yarayn lahayd khataraha dabeecadaha dhibaatooyinka leh. Waxaa kaloo talooyin ka heli kartaa qaybta Xariir Wadahadal oo Wanaagsan.

Afar tiir oo aasaas u ah waalidiinta kurayda leh

1: Xeerar cad

Hayso dhowr laakiin cad, xeerar cad. Tusaale: Waxaa lagu siinayaa nambarka taleefoonka shaqsiyaadka uu ilmuhu la joogi doono, iyo inuu ilmuhu imaan doono guriga saacadda 8-da fiidnimo maalmaha shaqada iyo 10-ka fiidnimo maalmaha fasaxa ah.

2: Cawaaqib

Xeerarka waa in si joogto ah loola socdo. Marka la raaco waa in ilmuhu helaa amaan iyo bogaadin. Marka aana la raacin waa in si cad loo sheegaa oo ay keentane cawaaqib ku habboon.

3: Xakamayn(koontarool)

U sheeg ilmahaaga in aad u samaysay xeerarkaan aad leedihiin maadaama aad danaynaysid ilmaha iyo badqabkiisa. Hubi in ilmahaagu joogo goobtii uu sheegay ama ay sheegtay inay joogaan. Koontaroolkaagu ayuu ilmaha ka baranayaa waxa ay ka dhigantahay in mas’uuliyad la qaado iyo in xeerarkaagu si dhab ah loo qaato.

4: Xariirka

In xariir joogto ah lala yeesho waalidiinta kale iyo shaqaalaha iskuulka waxay ku siineysaa waqti dheeraad ah haddii dhib dhaco. Xariir wadahadal oo wanaagsan oo lala yeesho dadka kale ee waawayn ee ilmaha ag joogo waxay ku caawineysaa:

Ku dhiirro in door ku yeelato nolasha ilmaha

Carruurta iyo da’yarta waxaa si fudud u saameeya waxa ay dareemaan iyo dadka ay la kulmaan. Ka waalid ahaan waxaa ciyaareysaa door muhiim ah, waxaana u baahantahay in aad kala hadashid ilmahaaga waxyaabaha adag, xasaasigana ah.

  • Ku caawi ilmahaagu inay fahmaan dareenkooda.
  • Dhagayso, la hadalna ilmahaaga markii ay helaan fikrado cusub.
  • Mas’uuliyad iska saar macluumaadka la xariira arrimaha galmada, khamrada, daroogada, khataraha internetka iyo baraha arrimaha bulshada.
  • La wadaag qayimkaaga iyo waxa aad aaminsatahay. Waxa ay siineysaa ilmahaaga meel uu ka duulo/ambaqaado.

La soco ilmahaaga xitaa haddii aysan guriga joogin

  • La soco jadwalka ilmahaaga
  • Wac ilmahaaga
  • Ilmuhu waa inay kulasoo xariiraan ama qof kale oo wayn markii uu gurigu yimaado.
  • U sheeg ilmahaaga in aad dooneysid inuu kulasoo xariiro markii uu tago jimicsiga ama saaxiibadii.
  • Xariir la yeelo dad kale ee waawayn ee jooga ilmahaaga agtooda.

Bar ilmahaaga inay qiimeeyaan saaxiibka wanaagsan

  • Naxariis leh
  • Daacad ah
  • Tixgelin badan
  • Iskuulka dhab u qaata
  • Aanan isticmaalin khamro iyo maadooriye

Talooyin la xariira hababka oo waqti loola qaadan karo carruurta waawayn

  • La ciyaar ciyaaro/ dhaqdhaqaaqyada bannaanka lagu sameeyo
  • Ka sheekey qoyskaaga
  • U kaxay ilmahaaga munaasabadaha bulshada/dhaqamada.
  • U ogolow ilmahaaga in saaxiibadood usoo kaxaystaan hawlaha qoyska.
  • Ku guubaabi ilmahaaga waxa ay xiiseeyaan( rinjiyeynta, muusikada, cunto karinta….) kuna hag ururro  ay ka heli karaan waxa ay xiiseyaan waqtiyadooda firaaqada ah.

Si dheeraad ah ula hadal ilmaha markii ay jiraan calaamada digniin ah

Haddii aad dareentid in ilmahaaga is bedelayaan, waxyaabahaan soo socdana ay dhacaan waxaa habboon in si dheeraad ah aad ula hadashid. Caawinaad ka qaado talooyinka ku xusan qaybta Xariir wadahadal oo Wanaagsan.

  • Ilmuhu been buu sheegayaa wuuna is-aruurinayaa(dhuumanayaa)
  • Ilmuhu wuxuu waqti la qaadanayaa saaxiibo aadan garanayn
  • Ilmuhu wuxuu la yimid qaab cusub oo dhinaca hadalka ah iyo dabeecad xun
  • Shaqada iskuulka ee ilmaha oo sii xumaanaya

Markii waalidiintu ogaadaan calaamadaha digniinada waxay badanaa kicin kartaa dareenka. Waxaa xigmad noqon karta in marka hore daryeeshid(xakamaysid) dareenkaaga si markaa kadib ula hadli kartid ilmaha hab wanaagsan. Halkaan, tilmaamaha LUGN ee hoose ayaa ku caawin kara. Ma aha in dib loo dhigo maareynta welwelka, balse waa in la qorsheeyo si loo helo fursad wadahadal oo wanaagsan oo aan ku dhamaanayn khilaaf.

Tilmaamaha LUGN

L: Lyssna=dhagayso dareenkaaga iyo fikirkaaga(giigsan,xanaaq,cabsi,gariirsanaan)

U: Utvärdera=qiimay in xanaaqaagu aad ugu sarreeyo xadkii lagu heli lahaa natiijo wanaagsan.

G: Gå=ka soco haddii aadan xakamayn karin xanaaqaaga ama kacsanaantaada.

N: När=Goormaa la maarayn doonaa xaaladda? Samey qorshe la xariira waqtiga aad kartid in dib usoo celisid su’aasha afar iyo labaatan saac gudaheeda.

Talooyinkaan bogga waalidiinta wuxuu yarayn karaa halista khilaafyada iyo dabeecadaha dhibaatooyinka leh. Laakiin mar walba suurtogal ma aha in si dhameystiran oo buuxda looga hortago dabeecadaha aan la jeclayn. Mararka qaar waxaa loo baahanyahay in la dejiyo xuduud, tusaale ahaan markii ilmuhu la socdo saaxiibo jabinaayo xeerarka iyo qawaaniinta, isticmaalaya khamrada iyo maandooriyaha, ku maqan bannaanka habeenadi waqti dambe ogaysiis la’aan ama ka maqnaada iskuulka.


In ilmuhu tijaabiyaan xuduudaha waa qayb dabeeci ah oo kamid ah korriinka, laakiin badanaa waxay caqabad ku noqotaa waalidiinta.  Falcelinteena koowaad waxay ku salaysnaan kartaa cabsi aan u cabsanayno ilmaheenna amnigooda ama xanaaqa ah in aysan na maqlin. Ka fikir sida aad u maareysid xaaladaha ah markii ilmahaagu tijaabinayaan xuduudaha. Ma hubtaa in ilmahaagu fahmayaan xeerarkaaga iyo waxa aad ka fileysid? Miyaad si joogto ah ula socotay markii xadka la dhaafo?

Ka faa’iideyso tilmaamaha SUND ee xad-dejinta caafimaadka leh si loo yareeyo halista falcelinta shucuurta ku dhisan ee isla waqti xaadirka.

Tilmaamaha SUND

S=Små=Cawaaqibo yar yar ayaa fiican

Way ka wanaagsan tahay in la siiyo cawaaqib yar oo joogto ah marka loo eego mid weyn, cawaaqib joogto ahayn. Cawaaqib yar way fududahay in la bixiyo. Xaddidaad hal maalin ah ayaa tusaale ahaan ka wanaagsan mid soconeysa labo isbuuc. Xayiraad dheer oo adag waxay ilmaha gelin kartaa xaalad uusan ama aysan ku guuleysan Karin, taas bedelkeeda waxay keentaa in ay korodha dabeecadaha dhibaatoyinka leh.

U=Undvik= Iska ilaali in aad is ciqaabtid

Qaar kamid ah cawaaqibaha aan u dooranno ilmaheenna waxay dhab ahaanti ciqaabayaan waalidiinta. Tusaale ahaan, haddii cawaaqibtu ay tahay in uu ilmuhu joogo guriga sabti iyo axad oo dhan waxay ku noqon kartaa ilmuhu wax adag markii loo barbardhigo sida ay ku noqon lahayd qof wayn, sababtoo ah waxa lagu kala duwanyahay fahanka waqtiga iyo qaababka la socodka bulshada. Waxyaabaha gaarka ah ee dhaca fasaxa gudahiisa waxay keeni karaan baryatan quus ah oo in loo tanaasulo ah,muran iyo wixii lamid ah. In guriga lagu haysto ilmo xanaaqsan sabti iyo axad waxay aad ugu adkaan kartaa waalidiinta. Waxaa kaloo caqli gal ah ka waalid ahaan in loo sharraxo cawaaqibta la bixiyo iyo sababta. Haddii cawaaqibta ay tahay in ilmuhu ay guriga yimaadaan goor hore habeenki waxaa muhiim ah ilmuhu inuu fahmo sababta.

N=Nej= Maya, in la ihaaneeyo ama lagu xadgudbo ilmaha

 Dabeecadaha xadgudubka(ihaanada) leh waxay abuurtaa khilaaf waxayna siisaa ilmaha aragti qaldan oo ah sida loo xadhiidho ama loola hadlo dadka kale. Sida ugu wanaagsan ee aad iskeega ilaalin karto xadgudubyada waa in aadan wax cawaaqib ah bixinin marka aad xanaaqsantahay.

D=De= Shuruucda ay raacaan ilmaha waa in ay ku helaan fiiro ah oo wanaagsan

Fiirada gaarka ah ee waalidiintu waa in inta ugu badan oo macquulka ah saarnaataa habdhaqannada la filaayay markii dhacaan.

 Hubi in ilmuhu ogyahay in aad aragtid oo aad qaddarinaysid marka uu dhab ahaantii ixtiraamaayo xeerarkaaga.


Tusaalayaal filin ah-Marka shucuurta tan badiso

Halkaan waxaa ah tusaalayaal filin oo muujinaya hababka wanaagsan iyo kuwa aan yara wanaagsanayn ee falcelinta markii la ogaado dhibaatooyinka ilmaha ee nololmaalmeedkooda.

In la dejiyo xuduudo way adagtahay, waxaana laga yaabaa in mararka qaarkood u baahato qof idinka baxsan oo aad la hadasho. Ka faa’iideyo bogga Taageero iyo Gargaar Dheeraad ah si aad ugu hesho hagid ku saabsan meesha aad u jiheysan kartid.

Soo koobid:

  • U kuurgal oo haka falcelinin isla markiiba- laga yaabee in ay gudubto
  • Dulqaad yeelo
  • Wada xadhiidhku ha furnaado
  • Hel dano ama xiise aad la wadagtid ilmahaaga.
  • Baro ilmahaaga saaxiibadood
  • U kuurgal ilmahaaga markii ay la joogaan saaxiibadood
  • La hadal waalidiinta ilmahaaga saaxiibadood
  • Waqti ku bixi la hadalka iyo dhegeysiga ilmahaaga
  • Sii wad in kasii qayb ahaatid- muuji xiise iyo ogaan-jecayl