Guubaabin aan lahayn cabasho iyo gunuunuc

Guubaabinno cad oo wax ku ool ah ayaa ah habka wanaagsan ee lagu muujiyo waxa aad ka fileyso iyo waxa aad dooneysid inuu ilmahaaga sameeyo. Waxay noqon kartaa wax kasta, laga bilaabo ilko cadeysiga habeenki iyo samaynta laylisyada ilaa is fahamka walaalaha.

Guubaabin wax ku ool ah waxa ay sare u qaadaa suurtogalnimada in aad  wadashaqayn la yeelato ilmahaaga. Foojignaanta waxay tahay in ay ku jiheysnaanta waxa aad jeceshahay inay ilmahaaga sameeyaan meeshii aad ku jiheyn lahayd waxa ay tahay inaysan samaynin ilmahaaga, tusaale,”Waxaan doonayaa in aad kursiga fadhiga ku fadhiisatid”,meeshii aad dhihi lahayd ”haku boodboodin kursiga fadhiga!”. Amar siinta tooska ah waxay keentaa in farriinta si sahlan loo fahmo, taasoo marka dambe xoojineysa xidhiidhka idinka dhaxeeyo adiga iyo ilmahaaga.

liten flicka sitter ner och försöker packa en gymnastikväska

Xaaladaha maalinlaha caadiga ah waxay waalidiintu saacad gudaheeda ku bixiyaan awaamiir badan. Waalidiin badan waxay si fudud ku dhacaan hadallo ah waxa ay tahay ilmaha inaysan samaynin. Ka fikir habeen kamid ah isbuucii ugu dambeeyay ee aad u baahatay in ilmahaaga siisid amar.

Ma heli kartaa amar oo si dhab ah u tusinaayay waxa aad dooneysid inuu ilmaha sameeyo? Ama wuxuu amarka ahaa waxa ay tahay in ilmuhu samaynin?

Halkaan waxaa soo socda dhowr talo oo shaqaynaaya inta badan xaaladaha maalinlaha ah.

 

In la siiyo amarro cad:

  • Caddey- amarkaaga waa inuu ku cadyahay waxa aad dooneysid inuu ilmahaaga sameeyo.

  • Hal amar oo kaliya sii markiiba.
  • Diiradda saar waxa aad dooneysid inuu ilmaha sameeyo”Saxankaaga kasoo qaado miiska, adoo raali ah.”
  • Isticmaal hadal fiican,laakiin sugan oo cad.
  • Is deji, eena is aruuri.
  • Indhaha ku hay ilmaha
  • Noqo qof naxariis iyo ixtiraam leh
  • Sii dabagal-hubi inuu ilmaha sameeya wixii laga codsaday inuu sameeyo ama ay samayso.
  • Fiiro gaar ah u yeelo markii ilmaha wadashaqayn la yimaadaan.”Waa ku mahadsantahay sida aad saxankaaga ugusoo qaaday miiska”/”Waad isoo wacday markii aad guriga tagtay, wax fiican baad samaysay.”

     

Iska ilaali in….

  • Gef u saarinta, eedeynta ama in aad u muujisid qanacsanaan la’aan: ”Waa qaladkaaga inuu gurigu isku dhax yaacsanyahay.”
  • Su’aal weydiisid: ”Masoo hagaajin kartaa qolkaaga?”
  • Siisid amarro badan hal mar:
  • ”Qolkaaga hagaaji, dhaq alaaabta, samay laylisyadaada.”
  • Soo qaadatid wax aanan xaaladda ama mowduuca quseynin: ”Shahaadooyinkaaga way xunyihiin. Qolkaaga hagaaji hadda.”/Markasta waxaad ahayd qof aan taxadar lahayn. Ma xasuusataa markii…..?”
  • Meel fog kasoo dhawaaqdid: ”Si deg deg ah ku imaw halkaan, kabahaagana gisho!”
Tumme ned

Hababka aanan habboonayn in wax lagu hago:

”Waa maxay sababta aadan weligaa caawinaad ugu gaysanin jikada?”

”Haku qaylinin walaashaa.”

”Waxaad wasaqaynaysaa musqusha qubeyska.”

”Weligaa qashinka uma qaadin bannaanka.”

Markaa waxaa jirta khatar ah in:

  • Ilmaha dareemaan in la shaki galinaaya, markaana galaan difaac
  • Ilmaha rabi waayaan wadashaqayn
  • Waalidku xanaaqo, ama is dhiibo
  • Habdhaqanka diidmada oo siyaada
  • Waalidku oo sii qaato cawaaqibooyin badan oona adag
  • Isku dhacyada badan oo keeni kara inuu xadhiidhka dhaawacmo mustaqbalka fog
Tumme upp

Hababka fiican in wax lagu hago:

”Waxaan doonayaa in aad gelisid saxankaaga mashiinka dhaqista”

”Isticmaal hadal fiican markii aad la hadleysid walaashaa.”

”Wadh/sudh shukumaankaaga gadaashaa.”

”Qashinka bannaanka u qaad hadda.”

Fursad wayn oo ah in:

  • Waalidku bixiyo hagitaan cad oo fudud oo la xariirta waxa uu filaayo
  • Xadhiidhku wuxuu noqonaa mid fiican
  • Ilmuhu wuxuu kusii dhiiranaa wadashaqaynta
  • Waalidku way u fududahay inay arkaan habdhaqanka wanaagsan, ayna bogaadiyaan
  • Waalidku wuxuu xoojinayaa hoggaaminta togan ee qoyska
  • Mustaqbalka fog xadhiidhka si togan u adkaado

Tusaalayaal filin ah

Halkaan waxaa ah tusaalayaal filin oo muujinaya hababka wanaagsan iyo kuwa aan yara wanaagsanayn ee la xariirta amar siinta ilmaha.

Soo koobid:

  • Diiradda saar waxa aad dooneysid inuu ilmaha sameeyo, halkii aad saari lahayd waxa aadan doonaynin inuu sameeyo.
  • Caddey warkaaga- waxa aad dooneysid inuu ilmahaaga sameeyo waa inuu kuu cadyahay.
  • Hal amar oo kaliya sii markiiba.
  • Isticmaal hadal fiican, laakiin sugan oo cad.
  • Sii dabagal- hubi inuu ilmaha sameeya wixii laga codsaday inuu sameeya ama ay samayso.
  • Bogaadi ilmaha markii wadashaqayn la yimaadaan.