Bogaadin iyo amaanid

Cilmi-baaristu waxay tilmaamaysaa in ilmaha hela bogaadin badan ay u samaysanto dareen-shaqsiyadeed oo xooggan. Dad badan oo waawayn ayagaba way xasuustaan micnaha ay leedahay marka adoo ilmo ah bogaadin ka heshid waalidka, macalinka ama dadka kale ee waawayn.  Bogaadin noocee ah ayaad xasuusataa in aad heshay yaraantaadi oo xoojisay dareenkaaga-shaqsiyadeed? Maxaad dooneysaa in aad ku dhiirigelisid ilmahaaga halkaan iyo hadda- oo xoojin kara ilmahaaga dareenkooda-shaqsiyadeed?

Lahaanshaha dareen-shaqsiyadeed oo wanaagsan waxay carruurtu ku dhiiradaan:

  • In wax cusub tijaabiyaan
  • Samaystaan saaxibtinnimo
  • Noqdaan qof hal abuur leh
  • Tijaabiyaan shaqooyin adag

Maalmaha kadeedka jiro waxa la waayi karaa in loo fiirsado markii waxyaabaha sifiican socdaan, taas bedelkeeda laga falceliyo markii dhib dhaco. Tani waxay horseedi kartaa iska daba wareegyo xun, sababtoo ah wixii foojignaan la siiyo marar badan si kasii ballaaran ayay u koraan. Cilmi-baaristu waxay mujiineysaa in waalidiinta bogaadintooda iyo amaantooda ilmaha ay horseeddo yaraynta khilaafka qoyska. Markasta oo aad fiiro gaar ah siiso waxybaaha togan waxaa badanaaya abuurmidda hab-dhaqannada togan. Tub ama tilmaan ayaa ah in fiiro gaar ah u yeelatid waxa wanaagsan ee ay ilmuhu samaynayaan shan jeer in kabadan inta aad u fiirsatid markii ay ilmuhu qalad sameynayaan.

Dib ugu fikir isbuucii ugu dambeeyay. Xaaladahee baad u malaynaysaa in ay ku dhaafeen fursado ay ahayd in fiiro gaar ah u yeelatid hab-dhaqanno togan?

Haddii aad la gashay ilmahaaga iska daba wareeg xun way adkaan kartaa in aad heshid wax wanaagsan oo fiiro gaar ah u yeelatid. Fiidiyowgaan, hooyo ayaa ka warramaysa sida iyadoo ka bilaabaysa wax yar ugu guuleysatay inay la yeelato wadashaqayn wanaagsan ilmaheeda:

 

Text Tre viktiga budskap

Ilmaha waxay aaminsanyihin in ay waxyaabo qaban karaan haddii waalidku:

  • Xasuusiyo ayaga guulihii hore
  • Ku caawiyo inay dhibaatooyinka u qaybiyaan qaybo yaryar. Inta badan wax kasta ma wada xumo, waana la heli karaa xalal.
  • Xasuusiyaan ayaga awoodahooda.

Farriinta 2 - Ra’yigaagu waa qiimo badanyihiin!

Ilmaha waxay dareemayaan inay ra’yigoodu micno leeyahay haddii waalidku:

  • Weydiiyo sida ay u arkaan qorshayaasha qoyska iyo dhacdooyinka kale ee qoyska.
  • Weydiiyo fikrado la xariirta xal u helidda mashaakilka qoyska.
  • Ka codsado in la qaybsadaan ra’yigooda iyo dareenkooda.
  • Dhagaysto waxa ay haayaan oo ay rabaan in ay sheegaan.

Farriinta 3 - Xariif baa tahay!

Ilmuhu waxay dareemayaan in ay muhiim yihiin markii waalidku:

  • Waqti la qaato ilmaha maalin kasta.
  • Xiiseyo sida ay wax ugu socdaan iskuulka iyo ka qayqaadashada howlaha waqtiyada firaaqada.
  • Ogeysiiyo inuu ayaga ka fikiraayo xitaa markii aysan la joogin.
  • Xasuusnaado wixii ilmuhu sheegeen.
  • Muujiyo ugana sheekeeyo dadka kale waxa ilmuhu ay sameeyeen kana warramo bogaadinta ay ilmuhu ka heleen tusaale ahaan iskuulka.

Xasuusnow!

Bogaadi ilmahaaga maalin kasta.

Cayin ama xadid amaantaada, sheeg dhab ahaan waxa uu ilmuhu sameeyay oo wanaagsanaa.

Samir iyo dulqaad u yeelo fashilada. Ilmuhu waxay awoodaan inay khaladaadkooda wax ka bartaan adigoo aanan xanaaqin ama is adkaynin.

Iska ilaali in….

  • Ku jeesjeestid ama qaab taban ugu hadashid kartida ilmahaaga ay ku guuleysan karaan. ”Goormaa joojineysaa caajisnimada intaas la’eg?”
  • La barbardhigtid ilmaha walaalahooda. ”Walaashaa aad bay ugu wanaagsanayd iskuulka.”
  • Xasuusisid ilmahaaga guuldarrooyinkii hore. ”Markasta waxaa dhaca dagaal iyo qalad markii aad joogtid.”
  • Kala wareegtid laylisyada markii uu ilmaha isku dayaaya. ”Ma fahmaysid sida loo sameeyo, aniga naftayda ayaa sameynaaya”.

Tusaalayaal sida aad ku bogaadin kartid

Ma dhiirigelisaa ilmahaaga? Halkaan waxaa soo socda dhowr tusaale oo oraahyo dhiirigelineed ah. Kuwee baa ku dhihi kartaa ilmahaaga isbuuca soo socda?

Shaqo wanaagsan baad qabatay!

Sii wad isku dayga!

Aad baad ugu fiicantahay taas!

Wax badan baad baranaysaa!

Waa aad samayn kartaa!

Si deg deg ah baad ku fikirtay/ogaatay!

Waa aad xasuusatay, fiicnidaa!

Waxa aan ka helay qaabka aad ku xallisay!

Waxaan arkaa in aad soo tababaratay/muraajacaysay!

Waxay ahayd doorasho aad u fiican!

Waa wax lagu farxo in aan arko adigoo si adag u shaqaynaaya!

Aad iyo aad ayaan runtii kugu faanaa!

Si aad u fiican ayay hadda wax u socdaan!

Tusaalayaal filin ah

Halkaan waxaa ah tusaalayaal filin oo muujinaya hababka wanaagsan iyo kuwa aan yara wanaagsanayn ee la xariirta bogaadinta iyo amaanidda.

Soo koobid:

  • Bogaadinta iyo amaanidda waxay ilmuhu siiyaan dareen-shaqsiyadeed oo wanaagsan
  • Cilmi-baaristu waxay mujiineysaa in bogaadinta iyo amaanidda ilmaha ay horseeddo yaraynta khilaafaadka qoyska.
  • Markasta oo aad fiiro gaar ah siiso waxybaaha togan waxaa badanaaya abuurmidda hab-dhaqannada togan.
  • Tub ama tilmaan ayaa ah in fiiro gaar ah u yeelatid waxa wanaagsan ee ay ilmuhu samaynayaan shan jeer in kabadan inta aad u fiirsatid markii ay ilmuhu qalad sameynayaan.