Taageer ilmaha waxbarashadooda iskuulka

In iskuulku si fiican u shaqeeyo waxay muhiim ka tahay dhinacyo badan. In iskuulku lagu guuleysto waxay xoojineysaa dareenka-shaqisyadeed, ilmahana waxay si wanaagsan ugu diyaargarobayaan mustaqbalka. Xitaa haddii iskuulku leeyahay mas’uuliyadda ugu wayn ee dhinaca howlo-maalmeedka iskuulka waxaa adiga ka ciyaari kartaa door muhiim ah.

Ka waalid ahaan habab kala duwan ayaad u taageeri kartaa ilmahaaga. Adiga oo xariir la yeesha iskuulka ayaa waxaad la socon kartaa waxa ay ka filayaan ilmahaaga, labadabada markii ay noqoto dhinaca waxbarashada iyo habdhaqanka. Xariir wanaagsan oo lala kowsada waxay sahlaysaa in la islasoo xariiro markii dhib dhaco. Waxaa kaloo jira rootiinno ama nidaam oo lagusoo rogi karo nololmaalmeedka guriga si ilmaha looga taageero waxbarashadiisa, tusaale ahaan in ilmaha waqti hore iskuulku uu aado iyo in laylisyada la sameeyo.

Vuxen kvinna pratar med pojke som sitter vid en dator

Maxaad isleedahay oo si fiican u shaqaynaaya maanta xariirkaaga iskuulka? Ma dareemaysaa in aad leedihiin rootiinno shaqaynaayo guriga si aad ugu taageertid ilmahaaga waxbarashadiisa? Ma jiraan waxa aad jeclaan lahayd in aad sii haajisid? Halkaan waxaa ka heleysaa talooyin iyo tilmaamo oo ku caawin karo.

 

Waxa ay ilmuhu u baahanyihiin si ay ugu guuleystaan iskuulka

  • Diyaar lala ahaado buugaagta, dharka jimicsiga iwm
  • Feejignaan la muujiyo waqtiga xiisadda
  • Ku dhiirrado su’aal weydiinta
  • Ixtiraamo dadka kale
  • Muujiyo dareen ka qaybqaadasho shaqada iskuulka
  • Raaco xeerarka iskuulka

 

Waalidiintu waxay ku caawin karaan in:

  • Abuuro rootiinno guriga ah
  • Abuuro xariir uu la yeesho macallimiinta
  • Abuuro liis-hubin maalinla ah

 

Talooyin wanaagsan:

  • La yeelato xariir joogto ah macallimiinta. Ka qaybqaado kulamada waalidiinta iyo kulanka ka waxbixinta horumarka ardayga.
  • Soo ogow cidda ka shaqeysa kooxda fayow-qabka ardayda ee iskuulka. La xariir markii aad dareentid welwelka ugu yar.
  • La soco jadwalka ilmahaaga

La soco laylisyada iyo imtixaanada. U yeelo rootiino isbuucle ah arrintaan- tusaale in axadaha isla fiirisaan laylisyada iyo imtixaanada isbuuca soo socda.

kala hadal ilmahaaga waqti yar maalin kasta (ugu yaraan 10 daqiiqo) arrimaha shaqooyinka iskuulka iyo sida uu maanta iskuulku ahaa.

Kala hadal ilmahaaga marba mar in waxbarashada muhiim tahay.

Wax ka ogaw macallimiinta dhaqamada ay ka filayaan in lala yimaado fasalka.

Diyaari goob degan, buuq lahayn, lehna iftiin oo uu ilmaha wax ku akhrisan karo.

Liis-hubin maalinla ah

Ma sameeyay….

  • In aan fiiriyay laylisyada ay haystaan ilmahayga iyo in aan dabagal ku sameeyay in ay sameeyeen?
  • In aan kala hadlay ilmahayga maadooyinka iskuulka, aragtidiisa iskuulka iyo saaxiibada iskuulka?
  • In aan ku bogaadiyay dedaalka, isku-dayga iyo hor’umarka?
  • In aan weydiiyay ilmahayga in ay caawinaad u baahanyihiin?

Dhibaato inta badan waa la xallin karaa

Tusaalaha 1aad

Dhibaato: Ilmahayga wuxuu markasta iskuulka dagaal kula galaa ilmo da’diisa ah, laakiin ma ogi waxa uu iskuulku ka sameeya arrintaan.

Xal: Wac macallimiinta och ka wada hadla sida aad xaaladda u aragtaan iyo sida aad xariirka joogto ah u yeelan lahayden si att ula socotaan isbedelada.

Tusaalaha 2aad

Dhibaato: Ilmaha ma usoo qaato guriga markasta macluumaad la xariira iskuulka.

Xal: U sheeg macallinka in uu dhibkaas jiro, xalna wada raadiya.

Tusaalayaal filin ah

Sida aad ula xadhiidhid ilmahaaga maalin kasta waxa ay saameyn ku yeelaneysaa inta uu donaayo inuu kaala shaaqeeyo arrimaha shaqooyinka iskuulka. Filinkaan oo uu kujiro jilaa wuxuu muujinayaa, hooyo kala hadleysa ilmaheeda rootiinno maalinle ah oo la xariira laylisyada guriga. Maxaad u maleynaysaa in ay horseedi karto wadashaqayn fiican? Waxaad kasii akhrin kartaa arrimaha la xariira istarajiyada wada-xariirka cinwaanka Xariir Wadahadal oo Wanaagsan.

Soo koobid:

  • Ka waalid ahaan waxaad kaalin muhiim ah ku leedahay ilmaha waxbarashadooda iskuulka, waxaana ku taageeri kartaa habab badan.
  • Adiga oo xariir la yeesha iskuulka ayaa waxaad la socon kartaa waxa ay ka filayaan ilmahaaga, intaba markii ay noqoto dhinaca waxbarashada iyo habdhaqanka.
  • Xariir wanaagsan oo lala kowsada waxay sahlaysaa in la islasoo xariiro markii dhib dhaco.
  • Waxaa fiican inuu guriga kajiro rootiinno, tusaale ahaan in ilmaha waqti hore iskuulku uu aado iyo in laylisyada la sameeyo.