Sanadaha ugu horeeya ee waalidnimada

Sidaan ayaa aasaaska ugu dhigaysaa caafimaad qabka dhimirka ilmahaaga

Sanadaha hore ee waalidnimada waa xili xiiso badan, markaas ilmuhu dhakhso ayuu u korayaa, wax badan ayaan soo baxaya oo waalidka barasho uga baahan. Laakiin ma og tahay waxaad ilmahaaga ku samaysid maalin kasta iney macno weyn u leedahay ilmaha caafimaadkooda dhanka dhimirka ee mustaqbalka

Cilmi baaris ayaa lagu ogaadey dhowr shey oo waalidiintu samayn karaa taasoo xoojin karta xiriirka kala dhexeeya caruurta, ayadoo isla markaasna aasaska u dhigaya caafimaadka qabka dhimirka ilmaha ee noloshiisa mustaqbalka. Waxaa loo baahan yahay in lala socdo baaqyada ilmaha iyo in laga jawaabo baaqyadaas, waxaana loogu yeeraa ”Baaq iyo ka jawaab celin”.

Markasta oo aad baaqa ilmahaaga ka jawaabtid waxaad sii xoojinaysaa ilmahaas iney noloshooda danbe awood u yeeshaan iney naftooda fahmaan, xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo samaystaan, iskuulka ku guuleystaan iyo iney caafimaad qab dhanka dhimirka ah dareemaan. Waalidiinta intooda badan sidaas bay sameeyaan ayagoo aan ogayn sidey muhiim u tahay arintaas. Waxaa jira afar shey oo muhiim ay tahay in maskaxda lagu hayo marka ilmaha baaqooda lala soconayo diirad saarida oo la qaybiyo, dhiiri galin in la siiyo ilmaha, in waxa uu doonayo laakiin uusan sheegin karin loo sheego iyo in la tookeysto ayadoo la tix galinayo ilmaha tabartooda. Filimkaan ayaa sharaxaya sidey u dhacayso.

Halkaan waxaad ka daawan kartaa inyar oo filim laga soo jarey sida aad uga baratid xog dheeri ah oo ku saabsan afarta shay ee muhiimka ah marka ilmaha baaqooda laga jawaabayo

Diirad saarida oo la qaybsho

 

Diirad saarida oo la qaybsho waa in lala socdo ilmaha markey xiisaynayaa walax ama shay. Markaad diiradaada kala qaybinaysid waxaad ilmahaaga ku dhiiri galinaysaa in uu wax cusub ogaado, waxay xoojinaysaa xiriirka adiga iyo ilmaha ka dhexeeya. Ilmaha waxa ugu weyn ee ay xiiseeyaan waa waalidka, sidaa darteed waxaad diirada saartid waxay ilmaha la noqon doonaan wax muhiim ah.

Nolol maalmeedka istereeska leh, waxaa si fudud u dhaca in waalidku waxyaalo kale diirada saaro oo aan ahayn waxa ilmuhu danaynayo. Waxaa la dareemi karaa iney adag tahay in meel laga iska dhigo dhamaan waajibaadka iyo shuruudaha nolol maalmeedka, ama in moobeylka meel la iska dhigo si diirada loola qaybsado ilmahaaga. Laakiin xataa xili kooban oo 10 daqiiqo ah oo diirad saarida la qaybiyo waxay macno weyn u samaynaysaa ilmaha yariiska ah.

Waxaad diirada ku qaybin kartaa adigoo fiirinaya waxa ilmuhu fiirinayaan oo weynaynaya, farta ku fiiqaya, ama marka ilmuhu wax ku tusayo. Waxay noqonaysaa marxalad aad ugu haboon in waxa aad wada eegaysaan magacooda u sheegtid.

Dhiiri galin sii

 

Marka ilmuhu kuu baaqayaa, sii falcelin adoo dhiiri galinaya. Waxaad ku dhiiri galin kartaa hadal iyo sidoo kale inaa madax u ruxdid, inaa farxad u muujisid ama hab siisid.

Marka aad siisid dhiiri galin waxaad kordhaya ilmaha xiisahooda iyo rabitaankooda iney wax ogaadaan. Ilmuhu wuxuu dareemayaa waxay xiisaha u muujinayaa ama ay dareemayaa iney yihiin wax qaymo leh. Taas ayaa dhinac kale dhiseysa isku kalsoonaantooda iyo isku kalsoonaantooda. Waxay fiican tahay in dhiiri galinta dabeecad laga dhigto marka hore ee ilmuhu yaryihiin. Marka ilmuhu bilaabo iney dhaq-dhaqaaqaan iyo iney waxyaalo soo qabsadaan iskooga, waxay dhiiri galintu u noqon kartaa hab loogu samaynayo xad amni ah iyo in ilmaha wadada lagu tuso. Waalidiintu waxay istimaali karaa dhiiri galinta meeshay inta badan ka oron lahaayeen jooji iyo may.

Qofku inuu dib iskugu noqdo: diirad saarida oo la qaybiyo

Maxay adiga kula tahay iney yihiin wax yaalo fiican oo diirad saarida loo qaybin karo adiga iyo ilmahaaga si wada jira? U fiirso adiga hab dhaqankaaga maalin maalmaha ka mid ah iyo inta jeer ee aad la qaybineysid diirad saarida ilmahaaga. Goormey adkaataa? Ma tahay wax aad intaa kadan rabtid inaad samaysid?


Qofku inuu dib iskugu noqdo: Dhiiri galin siin

U fiirso sida caadada kuu ah inaad u dhiiri galisid ilmahaaga. Ma waxaa isticmaashaa erey, wajiga inaad uga baaqdid iyo ama dhaq-dhaqaaq? Ma siin kartaa dhiiri galin hab dhaqanka wanaagsan si aad ilmaha u tustid wadada? Tusaale ahaan, hadii ilmuhu isku dayayo qalin inuu afka gashado, meeshaad ka oron lahayd may, waxaad siin kartaa ilmaha shay lagu cayaaro oo ay okey tahay in afka la gashado, iyo inaad dhiiri galintii siisid adoo dhahay ” sidaa weeye!”


U Sheeg shayga magaciisa

 

Marka aad sheegtid sheyga magaciisa ilmuhu farta ku fiiqayo ama uu xiisaynayo, waxaad ilmaha ku caawinaysaa inuu fahmo jawiga ku xeeran. Iney luqada la hormariyo waxay ka mid tahay tiirarka ugu muhiisan sanadaha ugu horeeya. Luqada oo sifiican loo yaqaan waxay difaac muhiim ah u tahay cafimaadka dhimirka. Waxay xoojinaysaa ilmaha kalaankooda uu kusoo gudbinayo baahiyihiisa, inuu qorsheeyo wax qabadkiisa iyo inuu wax ka barto iskuul.

Waxaad u erey bixin kartaa wax kasta, sida shey ( laambad, ama eey) waxa qof samaynayo (in la ordo, cunto samayn) ama dareen (niyad jabsan, xiisaynaya) In erayo dareenka lagu cabiro uu haysto waxay ka dhigaysaa ilmaha mid isku kalsoon, waxay macno weyn u leedahay ilmaha caafimaad qabka dhimirkiisa ee noloshiisha danbe. Ilmuhu wuxuu baranayaa kiisa iyo dadka kale dareenkooda taasoo tiir dhaxaad u ah kalaanka uu ku raadsanayo sasabid iyo inuu u damqado dadka kale markuu koro.

Ku tookeysnaya ayadoo taagta ilmaha lagu soconayo

 

Marka aad ka jawaabtid baaqa ilmaha waxaad sidoo kale siinaysaa ilmaha fursad uu ku sii wata la tacaamulka adigoo mar labaad u jawaabaya. Wada shaqaynta noocaan ah ee baaq iyo jawaab celinta ah waxay dhidibada u dhigaysaa ilmaha hormarkooda bulsho halkaasoo u diir nixid iyo kartida wada shaqayntu ay muhiim yihiin. Ilmuhu waxay baranayaan si dhakhsa ah iney sugaan, waxayna iska ilaalinayaan ineysan salfudaydku hogaamin wada shaqaynta ay la leeyihiin dadka kale.

In la tookeysto ayadoo la tixgalinayo ilmaha taagtooda baa sidoo kale muhiim ah. In ilmaha waqti la siiyo ay ku muujiyaan baaq cusub markaad tookeysanaysaan waxay siinaysaa ilmaha fursad uu ku hormariyo figradihiisa, iyo iney taasi siiso isku kalsoonaan. Hadii lagu dhakhsado ama aad loo gaabiyo waxay ilmaha ku keeni kartaa niyad jab. Caruurtu way kala duwan yihiin, wayna caawinaysaa ilmaha hadii waalidiintu taagta ilmihiisa kula socdaan.

Qofku inuu dib iskugu noqdo: u Sheeg shayga magaciisa

Ma caadaysataa inaad u sheegtid magaca shayaasha ilmahaaga xiisihiisa soo jiita? Eray ahaa ma ku sheegtaa ilmaagu dareenkiisa?

Mar dooro maalinta ka mid ah, tusaale ahaan markaad cuntada cunaysaan, dharka la gashanayo ama markaad ilmaha seexinaysid, waxaa diirada saartaa inaad magacooda sheegtid waxyaalaha ilmuhu ahmiyada siinayo ee ka agdhow.Tusaale ahaan ”waxaad farta ku fiiqaysaa funaanada jaalaha ah, ”ma waxad rabtaa boon balahaaga!”

Waxaad tusaale ahaan u magac bixin kartaa dareenka adiguu dhahaya ” hada waad murugootey”, ”Allah, maxaad maanta faraxsan tahay”, ”waan arkaa inaad daalan tahay/ gaajeysan tahay/ haraadan tahay”, ” waad carootey markii laguu diidey inaad halkaas u gurguuratey”.


Qofku inuu dib iskugu noqdo: Tookeysanaya ayadoo taagta ilmaha la tixgalinayo

Waa sidee xawaaraha ilmahaagu? Ma u baahan yahay waqti badan si maskaxdiisu uga shaqayso wax soo maray, ama ma noqdaa mid aan dulqaadan karin markey gaabis ku socoto howshu?

Sidee kuugu suurowdaa inaad isku aadisid kaaga iyo ilmahaaga xawaarihiisa?


Tolo bixin dheeri ah

Boga hagida caafimaad ee 1177 waxaa laga heli karaa xog iyo talo bixin ku saabsan sanadaha ugu horeeya ee waalidnimada. Waxaan ku dhiiri galinaynaa waalidiinta iney sidoo kale akhriyaan xogta fiican oo ku saabsan sidaad ku xoojin kartid isku xirnaanta ka dhexeeysa adiga iyo ilmahaaga.

Vårdguiden 1177.

Hadii aad dareemaysid iney adag tahay – caawimaad dalbo

Ma haysataa ilmo aan kuu baaqayn? Ama ilmo markasta kuu baaqaya? Dhamaan caruuruhu way kala duwan yihiin. Caruurta qaybtood ma baaq badna, ama waxay muujiyaan baaqyo aysan fududeyn in lala socdo. Kuwo kalena waxay muujiyaan baaqyo aad u fara badan, waalidiintuna waxay dareemi karaan in ilmahoodu ka dalbanayo dhiiri galin iyo iney ku adag tahay iney nastaan.

Laga yaabee inaad iska dhex aragtey qoraalka adigu iyo inaad in badan oo wixii filimka looga sheekeeyey aad horey u samayn jirtey. Laakiin ay kula tahay iney kugu adag tahay inaad ogaatid sidaa samayn lahayd si aad u suurto galiso baaq iyo ka jawaab celin gaar ahaan ilmahaaga, ama aad dareemaysid inaadan haysan waqti iyo awood, ha ka shakiyin inaad la xiriirtid ilmahaaga xarunta caafimaad ee ay ka tirsan yihiin. Ayagaa ku siin kara taagero iyo talo siin.