Xariir wadahadal oo Wanaagsan

Xariir wanaagsan oo  dhexmara waalidka iyo ubadka waa aasaaska calaaqaad wanaagsan. Waa wax xitaa ubad kasta uu xaq u leeyahay markii la eego heshiiska caalamiga ee xuquuqda carruurta. La yeelashada xariir wadahadal oo wanaagsan wuxuu waalidku ogaanaya xaaladda nolosha ilmaha. Waxaa fududaanaysa in la hago ilmaha marxaldaha kala duwan, sidoo kalena fahantid waxa ay ilmaha kaaga baahanyihiin. Waxaad ku baraarugi kartaa mushkiloyinka waqti hore,kuna fahmi kartaa markii ilmuhu u baahanyihiin bogaadin iyo taageero. Ka waalid ahaan waxaa tababar kusii wanaajin kartaa xariirka kaala dhaxeeyo ilmahaaga. Lab walxood oo fure u ah xariir wadahdal oo wanaagsan waa in wax la weydiiyo ilmaha iyo in la dhagaysto ilmaha.

pappa försöker tala med en ung kvinna, hon ser ointresserad ut och vill hellre titta på sin mobiltelefon

Markii aad ilmahaaga wax weydiineysid: Hab wanaagsan iyo haba aanan yara wanaagsanayn

Ilmo badan iyo dhalinyaro wax badan uma warramaan waalidkooda si caadi ah. Markaad weydiisid ilmahaaga su’aalo ayaad qayb ka qaadanaysaa nololmaalmeedkooda, aadna heleysaa macluumaad muhiim ah. Nooca macluumaadka aad ka heleysid waxay ku xirantahay inta badan sida aad su’aalahaaga u weydiineysid.

Tumme ned

Habka aanan yara wanaagsanayn: Su’aalo joojinaaya xariirka

Waxaa jira su’aalo joojinaaya xariirka. Qaladaadka caadiga ah waa in:c

  • Eedeysid ama gef u saarisid
  • Dooratid waqti aanan habboonayn
  • Adeegsatid lahjad/hadal xun

Tusaale:

”Oo maxaad ku fikireysay inay dhacayaan markii aad u dhaqmaysay sidaan doqonnimada ah?”

”Waxaan ku qasbanahay in aan shaqada aado hadda, laakiin waa maxay sababta aad markasta ula collowdid Amira?”

”Sidee u noqon kartaa qof sidaan fudud loo khiyaano?”

Tumme upp

Habka wanaagsan: Su’aalo dhiirrigelinaaya xariirka

Markii aad su’aalo weydiineysid waxaa wanaagsan in:

  • Tustid xiise ama tixgelin
  • Adeegsatid hadal naxariis leh
  • Weydiisid su’aalaha waqti aad ka gaaraysid in aad ku dhegeysatid jawaabaha
  • Diiradda sii xalka meeshii aad siin lahayd mushkilada ama dhibka

Tusaale:

”Maxaad u maleyneysaa in waxa ugu wanaagsan oo in la sameeya ay tahay hadda?”

”Waan kaa fikiraayay maanta adiga, sidee ayuu noqday wareysigii?”

Markii aad dhagaysaneysid ilmahaaga: Habka wanaagsan iyo habka aanan yara wanaagsanayn

Waalidiin badan ayaa ku wanaagsan in ay bixiyaan talo si ay u hagaan ubadkooda, laakiin waxaa dhici karta in si fudud ku iloobaan inay dhagaystaan ilmaha. In qofku dhagaysto ubadkiisa waxay muhiim u tahay dhowr sababood:

  • Markii waalidiintu dhagaystaan carruurtooda waxay gudbinayaan inay carruurta muhiim yihiin, taasina waxay hagaajinaysaa xadhiidka.
  • Waxaad heleysaa macluumaad la xariira waxa ka dhacaaya carruurta noolashooda iyo waxa u muhiimka ah carruurta.
  • Waxaad ogaaneysaa marka ilmaha uu dadaalaya, waxaana markaa bogaadin kartaa waxa uu ilmaha si fiican u qabanaayo.
  • Markaad dhagaysato ilmaha waxaad heleysaa macluumaad, waxaana ogaan kartaa dhibaatooyinka goor hore.

Carruurtu waxay inta badan dareemaan raaxo dheeraad ah in ay ka hadlaan oo ay su’aalo weydiiyaan waalidkooda markii ay ogyihiin in la dhagaysanaayo oo aanan la eedaynaynin. Tanina kumaba sii jirto markii ay sheegayaan ama qiranayaan wax ay sameeyeen oo khalad ah. Haddii uu waalidku si wanaagsan u dhagaysto waxay kordhinaysaa jaaniska oo ilmaha wax ku wadaagi karo, xitaa marka dambe oo uu la kulmo dhibaatooyin.

Kuwani waa tusaaloyin wanaagsan iyo qaar aanan wanaagsanayn. Ka fikir sida aad u dhagaysatid ilmahaaga.

 

Tumme ned

Hababka aanan yara wanaagsanayn:

”Maxaad ula kulantaa xaaladahaan qallafsan markasta?”

Natiijo: Ilmuhu wuu is xiraa, mana dhagaysanaayo. Xariirka wadahadalka wuu istaagaa.

Tumme upp

Hababka wanaagsan:

”Waxay u egtahay xaalad adag. Sidee dareemaysay? Sidee ku xallisay?”

Natiijo: Ilmuhu wuxuu dareemayaa in la dhagaystay oo la ixtiraamay. Xariirka wadahadalku wuu sii soconaa.

Ka taxadar in aad carootid

Markii lala hadlaayo ilmaha waxaa isla naftaada heli kartaa dareen adag. Ka waalid ahaan waxaa muhiim ah in dareenkaaga si toos ah kuula wareegin.Waxay noqon kartaa xanaaq, welwel, caro ama niyad jab. Halista in qofku kula dhaco khilaaf ilmahiisa way yaraanaysaa haddii waalidku xakameeyo dareenkiisa.

Ka faa’iideyso tilmaamaha LUGN markii aad dareentid caro:

L: Lyssna=dhagayso dareenkaaga iyo fikirkaaga(giigsanaan,xanaaq,cabsi,gariirsanaan)

U: Utvärdera= qiimay in xanaaqaagu aad ugu sarreeyo xadkii lagu heli lahaa natiijo wanaagsan.

G: Gå=ka soco haddii aadan xakamayn karin xanaaqaaga ama kacsanaantaada.

N: När=Goormaa la maarayn doonaa xaaladda? Samey qorshe la xariira waqtiga aad kartid in dib usoo celisid su’aasha(carada dhalisay) afar iyo labaatan saac gudaheeda.


Tusaalayaal filin ah

Tusaalayaashaan filinka ah waxaad ka arki kartaa hababka wanaagsan iyo kuwa laga wanaagsanyahay ee xariirka wadahadalka ilmahaaga.

Soo koobid

  • In lala yeesho xariir-wadahadal oo wanaagsan ilmaha ayaa waxay hagaajisaa calaaqaadka/xariirka.
  • Waalid ahaan waxaa muhiim ah inuu dhagaysto ilmahiisa
  • U muuji xiise waxa uu ilmuhu sheegayo
  • Dhaaf inta uu ilmaha ka dhameynaya hadalka
  • Isla ilaali in dareenkaaga muujisid markii uu ilmuhu ka hadlaayo wax aan wanaagsaneen ama taban.
  • Markaad weydiisid su’aalo ayaad heleysaa macluumaad ku saabsan waxa ka dhacaaya noolasha ilmaha.
  • Macluumaadku wuxuu kugu caawinayaa in aad ogaatid marka aad u baahantahay in bogaadisid iyo marka aad u baahantahay in aad ilmaha ka xallisid dhib.