Baxnaanita caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn (Somaliska)

Baxnaaninta (Habilitering) waxa loola jeedaa soo saaridda karaan cusub, ama xoojinta mid qofku horey u heystay. Ujeedada ayaa ah hoos u dhigidda ama ka hor tagga caqabadaha naafaddu keeni karto.

Ku soo dhowow baxnaaninta

Baxnaaninta ayaa gargaar siisa caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn iyo ehelkooda qabo naafooyin joogto ah. Waxey noqon kartaa naafo dhanka dhaq dhaqaaqa, fahamka adduunka kugu xeeran ama la xiriirka iyo wax ku darsashada dadka kale.
Naafooyinkaa ayaa badanaa ah kuwo lala dhashay ama yimid waqti hore, tusaale ahaan caqabadda horumarka, autism ama caqabadda dhaq dhaqaaqa. Naafooyinkaa ayaa waxa keeni kara haddana dhaawac maskaxda soo gaaray.

In dadka ehelku helo aqoon iyo karaan si ay u caawiyaan ayaa muhim u ah dadka qaba naafadda badankooda. Isla sidaa si la eg waa in bey’adda la waafajiyaa karaanka dhaq dhaqaaq ee qofka. Sidaa darteed ayeynu ka shaqeynaa siinta gargaar iyo aqoon dadka ehelka ah. Baxnaaninta waa howl qaasa ee ka tirsan daryeelka caafimaadka. Waxaanu leenahay awood xirfadeed ee qaasa ee ku saabsan naafada iyo sidey u saameyso nolol maalmeedka, caafimaadka iyo horumarka. Baxnaaninta waxa ka shaqeeya shaqaale leh xirfado kala duwan. Waxaanu leenahay aqoon kala duwan waxaanu ka shaqeynaa sidaanu bar tilmaameedka uga dhigi laheyn qofka bukaan-socodka ah. Dhamaan dadka ka shaqeeya baxnaaninta ayaa qarinaya xogtaada.

Imaatinka goobta baxnaaninta

Sameynta xiriirka

Badanaan dhaqtar ama aqoon yahan cilmu nafsi ayaa qofka u soo gudbiya qaabilaaddeena. Haddana adiga laftirkaada ama qof ehel ah ayaan codsi daryeel caafimaad u soo qoran kara baxnaaninta. Codsiga daryeelka caafimaad wuxuu ka kooban yahay caddeyn dhaqtar ama aqoon yahan cilmu nafsi ee in qofku qabo naafo isla markaana ka mid yahay dadka aan qaabilno.

Booqasho cusub iyo booqashada qiimeynta

Booqashada koowaad waxey ka kooban tahay sharaxidda nolol-maalmeedkaada iyo dhibaatada aad qabto ama caqabadaha, oo aan ugu yeerno dhibaato caafimaad. Haddaanu ku siin karin gargaarka aad u baahan tahay, waxanu kaa caawin doonaa la xiriirka waxqabadka ama hey’adda saxda ah.

Baaritaan

Baxnaaninta ayaa sameyneysa baaritaanka si loo caddeeyo sababaha dhibkaada caafimaad, haddii horey laguu baarin. Halkaa waxan ku raadi doonnaa caddeynta dhibaatooyinka inagoo raadin doonna fursadaha iyo awooda aad adiga iyo waxa kugu xeerani ay leeyihiin. Maxaa si wanaagsan u shaqeynaya? Maxaan u shaqeyneyn sidi loogu tala galay iyo sababteeda?

Baaritaanka ayaa loo sameeyaa qaab wada hadal, u kuur gal ama booqasho bey’adda qofku ku sugan yahay. Baaritaanka ayaa ah mid sharaxaya sababta ay u adag tahay in nolol-maalmeedku shaqeyso. Marka baaritaanku dhamaado waxa laguu soo bandhigi doonaa waxqabadka saxda ah ee aad u baahan tahay.

Qorshaha

Marka baaritaanku dhamaado waxan u baahanahay inaan si wadajira uga heshiino hadafka, waxqabadka iyo sida uu u dhacayo. Waxanu sameyn doonnaa qorsho waqti ee waxqabadka, go’aamin doonaa cidda mas’uulka ah iyo waxa u baahan in la bedelo ama la hagaajiyo.

Waxqabadka daweynta

Daweynta ayaa noqon karta gargaarid, taba-barid, kabid ama ka hor tag. Daweynta ayaa loo bixiyaa qaab shaqsi ama koox. Waxqabadka ayaa haddana la siin karaa qof ehel ah. Dadka leh xirfadaha kala duwan ee aad la kulmeyso waxey ku xiran tahay waxqabadka markaa taagan.

Qiimeyn

Si wadajir ayeynu u qiimeyn doonaa in hadafka la gaarya iyo in kale. Maxaa si wanaagsan u shaqeeyey, maxaan u shaqeyn sidi laga rabay iyo maxey tahay sababtu?
Markaadan u baahneyn waxqabad kale ee baxnaanada ayaa la soo af-jarayaa xiriirka.

Daweynta waxqabadka

Waxaanu ka amba qaadi doonnaa awoodaada iyo baahidaada. Waxad gargaar iyo daweyn u heli doontaa qaab shaqsi ama mid koox ahaaneed.

Waxan heli kartaa tababar si aad kor ugu qaado dhaq-dhaqaaqaada, xoogaada ama madax-banaanidaada. Waxan ku siin karnaa aqoon, istaraatiijiyo iyo taba-bar kor u qaada fursadahaada howgalka bulsho iyo wada hadalka si aad uga bixi karto howlaha kala duwan nolol-maalmeedka.

Mararka qaad waxa daweyn ka mida qalab shaqada fududeeya ee daweyntaada. Waxan ku siin doonnaa warbixin iyo aqoon ku saabsan naafadaada. Waxan kaloon ku siin karnaa gargaar wada hadal si u hagaajiso fahamkaada naafadda iyo waxyaabaha ay keeni karto. Waxaad kalood heli kartaa warbixin iyo haggid ku saabsan gargaarka iyo adeegga bulshada. Mararka qaar waxa loo baahan yahay daweyn ka hor tag si looga hor tago dhibaato iman karta mustaqbalka.

Hadal

  • Horumarin Istaraatiijiyada si qofku isaga deberi karo dhibaatooyinka nolol-maalmeedka iyo siduu qofku ugu horumari lahaa inti awoodiisa ah
  • Aqoon ay heleyaan ehelka Aqoon iyo istaraatiijiyada ehelkaada si ay kuugu caawiyaan sida ugu wanaagsan.
  • Ka qeyb qaadasho Qor u qaadidda fursadaahada ka qeyb qaadashada bulshada adigoo heleya aqoon iyo qalab shaqada fududeeya

Si loo gaaro hadafka waxanu la shaqeynaa shaqaalaha degaanka iyo kuwa kalee howlaha daryeelka iyo caafimaadka. Wada shaqeynta ayaa waxey timaadaa marka ogolaasho lagaa helo adiga ama ehelkaada.